Muxaadaradii uu xalay Nadwada uu ka jeediyey Sh.Maxamuud Maxamed Xaliike.[Dhagayso]
April 16, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Nadwo cilmiyeedkii ka socotay magaalada Boosaaso gaar ahaan Majidka weyn Al-Rowda ayaa xalay waxaa ay gashay habeenkii labaad waxaan muxaadarada jeediyey Sh.Maxamuud Maxamed Xaliike waxaana cinwaanka muxaadarada uu ahaa Nifaaqa iyo Calaama dahiisa. Sheekh Maxamuud Xaliike ayaa muxaadaradiisa ku bilowday qeexitaan uu ku sameeyay waxa ay tahay Munaafaqnimo waxaa uu sheegay Munaafaq nimadu inay tahay in Qofku uu muujisto Wanaag iyo Khayr (inuu Muslim yahay ) islamarkaana uu qarsado shar ,xumaan iyo Gaalnimo.
Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka waramay Cadaabka Munaafaqiinta iyo in ay ka cadaab daran yihiin Gaalada caadiga ah, taasina ay ku tusinayso Aayadaha Quraanka iyo Axaadiitha Nabiga.
Hoos ka Dhagayso Muxaadaradadii xalay Nadwada uu ka jeediyey Sh.Maxamuud Maxamed Xaliike
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/4px4j0uv8d/2-Nifaaqa_Iyo_Calaamadihiisa_Sh.Xaliiki.MP3.mp3]Mu’assaddu Minhaaj
Halgan.net, Boosaaso