Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Golaha wasiirada Galmudug.

April 28, 2014 - Written by Editor

Jen_QeybdiidGaalkacyo:-Madaxweynaha maamulka Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta waxaa uu wareegto ku magacaabay golaha wasiirrada cusub ee maamulka Galmug.

Madaxweynaha Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa sheegay in mudo ah ay ku mashquulsanaayeen dib u magacaabista Golaha wasiirada Maamulka Galmudug wuxuuna sheegay in dastuurka Galmudug uu u saamaxayo in 30 maalmood gudahood uu soo magacaabo gole wasiiro madaama uu kala diray golihii wasiirada ee hore.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku dhiiro galiyey wasiirada cusub ee uu soo magacaabay in ay ka soo baxaan masuuliyada loo dhiibay una hagar baxaan shacabkooda.

Intaas ka dib Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Galmudug Feysal Cabdi Jimcaale ayaa warbaahinta u akhriyey wareegtada uu Madaxweynaha Galmudug ku magacaabay golaha wasiirada cusub ee Galmudug waxaana la magacaabay 12 Wasiir waxayna kala yihiin magacyadooda.

Liiska Golaha wasiirada ee Galmudug ee la magacaabay .
01. Cowke Xaaji Cabdiraxmaan, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda
02. Xarbi Cali Kulane, Wasiirka Iskaashiga iyo Xariirka Caalamka
03. Xareed Cali Xareed, Wasiirka kheyraadka
04. Xasan Faarax Barre, Wasiirka Arimaha Fedaraalka iyo dib-u-heeshiisiinta
05. Maxamed Cabdiqaadir Xaashi, Wasiirka Waxbarashada
06. Maxamed Aadan Qalab-xoor, Wasiirka kalluumeysiga
07. Axmed Shariif Cumar Maxamuud, Wasiirka Caafimaadka
08. Cabdi Yuusuf Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga
09. Xasan Maxamed Siciid Gacaliye, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha
10. Axmed Maxamuud Araxeey, Wasiirka Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha
11. Xasan Cabdiqaadir Xasan, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta
12. Xasan Xaashi Warsame, Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online