Al-shabaab iyo dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida
April 30, 2014 - Written by EditorWaxaan maqalnaa mararka qaarkood ama aan ka aragnaa telefeshinada in beelo dagaalamay ay dib u heshiisiin u samayna yaan ururka Al-shabaab, arintaa oo ay dhici karto dadka aan sida qotada dheer u aqoon shabaabka ay run u maleeyaan, maxaa yeelay inta aan ognahay ururka alshabaab qawaacidiisu waawayn ee uu ku shaqeeyo ayaa waxaa ka mid ah in la isku diro beelaha soomaalida ama heshiisiin tooda aan laga shaqayn. Waxaan rabaa in aan arintaa ku bidhaamiyo labo qiso oo gaagaaban oo aan u soo joogay shabaabka sida ay ugu heelan yihiin iska hor geenta beelaha soomaalida.
Qisada hore waa Kismaayo waxay ahayd ramadaankii 2009ka rag wadadaado ah oo ka mid ahaa qaarkood maamulkii isbahaysigii islaamiyiinta ee Kismaayo (raaskaanbooni, alshabaab, caanoole) iyo culimo kale ayaa waxaa isku dayeen in beelaha soomaalida ee jubada hoose bal loo sameeyo dib u heshiisiin qoto dheer oo mudada dheer anfacda, maadama awoodii ay isku haysan jireen maanta qabiilna uusan gacanta ku hayn.
Waxaa shir soo abaabulay culimada beesha Sade ee jubbada hoose oo uu hogaminaayay allahaa u naxariistee Sh. Macalin Maxamuud Macalin Nuur iyo rag kale oo aan aniga ka mid ahaa, waxaa ay culimada isku keeneen wax garadkii beeshaas sida odayaasha, ganacsatada, siyaasiyiint, iyo xataa ducaadii.
Waxaa uu dhacay kulanka maalintii 22ka ramadaan hotel Tawakal ayuuna ka dhacay, waxay culimada ku marti qaadeen maamulkii markaa jiray wixii beesha kaga jiray oo dhamaantood ay ahaayeen Al-shaabab, ajandaha shirka waxaa uu ahaa in beeshaan waxgaradkeeda ay isla qataan si qoto dheer in beelaha kale ee deegaanka kula heshiiyaan, markii uu shirka furmay waxaa si fiican dadkii u wacdiyay culimadii, ka dibna waxaa hadalkii qaatay odayaashii oo ay ka muuqatay dhiiranaan waxayna meesha ka sheegeen in aysan hadda dib u heshiisiin u diyaar saneen.
Waxaa kale oo meesha ka hadlay ragii maamulka ka tirsanaa ee beesha ee Shabaabka ahaa ayagoo si adag uga soo hor jeestay dib u sheshiisiinta lagu baaqayay, waxay nagu noqotay anaga culimada howsha wadnay iyo dadkii kale ee ka soo qayb galay fadhigaa oo gaaraayay tiro ku dhowr boqol Dhaka faar, waxaan markii danbe aan ogaanay in raggan beesha ah ee maamulka ka tirsan ee al-shaababka ay soo shireen ayaga iyo ragooda kale ee maamulka ayna ku soo heshiiyeen carqaladeenta barnaamijkan cardunka ah ee dib u heshiisiinta beelaha.
Waxaan kale oo ogaanay markii danbe in odayaashii dhaqanka ee hadlay ee sida adag u diidayay dib u heshiinta ay u soo meeriyeen hadalada ay ku hadlaayeen ragii shabaabka ahaa ee meesha fadhiyay, waxaan aad u xasuustaa culimada qaar oo aad u carooday ilaa heer ay ilmeeyeen, waliba waxay aad ula yaabeen in qof muslim ah oo sooman uu ku dhiiran karo in dib u heshiisiin dad kale oo walaalo muslim ah diidmadeeda, inkastoo odayaasha ay arintaa mar danbe naga raali geliyeen ayna noo sheegeen in ay arintaa ku raaligelinaayeen xubnihii Al-shabaabka ee meesha fadhiyay ee beesha ahaa oo sida ayaga u rabay in ay howsha u dhacdo.
Qisada labaad waxay ahayd magaalada Kismaayo waxaa lagu dilay ramadaankii 2007da laba wadaad oo ka mid ahaa culimada magaalada ayadoo ay dileen dabley daalimiin ah, dilkooda ka dib ayaa waxaa isugu yimid shir wadaadadii labada beel ee kala ahaa beesha mooryaantooda wax dishay iyo beesha wadaadada laga dilay waxaana la isku waafaqay bal in la caawiyo wadaadadii la dilay qoysaskooda, waxaa loo saaray gudi alxamdulilaahi gudigii waxay si fiican ugu guulaysteen in waxoogaa dhaqaale fiican ah loo helo agoontii iyo qoysaskii laga dilay wadaadada, markii arintii ay dhamaatay ayaa mid ka mid ah wadaadadii isugu yimid goobtii ayaa waxaa uu yiri war niman yahoow sidaan hadaan wax u qaban karno maan ka shaqeeno in dadkan macno la,aanta isku dilaayo in aan heshiisiino?
Intaa markii uu yiri ayaa waxaa soo booday nin ka mid ahaa ragii alshabaabka ahaa ee markaa ku sugnaa Kismaayo C/rashiid soon furrow oo ah nin caan ah oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee shabaabka una yaqaanaan Abuu Yuunis kana mid ahaa ragii markii la laynaayay Ibraahim afgaan iyo Macalin burhaan lagu xirxiray degmada Baraawe ayaa waxaa uu yiri (anaga waxaa dan noogu jirtaa is khilaafka qabiilooyinka waliba waxaa uu sii raacshay islaamka sidaa ayey dan ugu jirtaa).
Waxaa qisadan iyo tii ka horaysayba ay cadaynaysaa in ururka Al-shabaab ay dan ugu jirto is khilaafka beelaha, waliba sidda la ogyahay dagaalada qaar ee beelaha soomaalida waxaa sabab u ah fara gelinta ay ku leeyihiin shabaabka, marka waxaan oran karnaa shabaabka waxaa ka mid ah usuushooda ay ku taagan yihiin in khilaaf iyo dagaal uu ka dhex jiro beelaha soomaalida si ay dambiyadooda ugula sii dhex dhuuntaan
W/Q: Maxamed Aadan Abdille