Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Safaarada Ingiriiska ee Soomaliya.[Masawiro] .
October 7, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe Wafti balaaran oo ka socday Safaarada Ingiriiska ee Soomaliya oo maalinti shalay soo gaaray Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe .
Wafdigaan ayaa waxa ay kala ahaayen:-
1: Grant Calder -Political Advisor (FCO) La Taliyaha Arimaha Siyaasada Safaarada ingiriiska ee Soomaliya .
2: Abdinasir Ogle -Political Officer (FCO)Sarkaal Katirsan Xafiiska Arimaha Siyaasada ee Safaarada Ingiriiska Soomaliya .
3: Sharon Diaz-Migration Advisor (FCO) oo ah La Taliyaha Laanta Socdaalka
Markii uu soo dhamaaday Kullanka ayaa waxaa ka soo baxay Qodobo muhim ah oo ay kamid ahaayen.
Arimaha Siyaasada ayaa waxaa si weyn looga hadlay siyaasada guud ee Soomaliya Koonfur iyo Waqooyi iyo Mandiqada oo idil .
Dhanka dimuqraadiyadda ayaa waxaa xooga lasaaray sidii looga hirgalin lahaa Dimuqraadiyadd taabagal ah geyiga Puntland,furitaanka axsaabta siyaasada oo ah mid aqoon iyo siyaasad fur furan ku dhisan .
Tababarka Garsoorayaasha Maxkamadaha ayaa laysla gartay in la xoojiyo si loo helo Cadaalad ay dadka oo idil ku qanacsan yihiin .
Sidii Ciidanka Booliska Kor loogu qaadi lahaa tababarkood isgaarsiintooda gaadiidkooda iyo Darayskooda .
Sidookale waxaa laga wada hadlay Xaalada amniga puntland iyo la dagaalanka argagixsada caalamka sida Kooxda Al-shabaab,kooxahaasi oo Caalamka oo idil isla gartay in cadow ku yihiin Aduunka.
Dib uhashiisiinta iyo Maamul wanaaga ayaa laysku afgartay in ay noqoto mid taaba gasha islamarkaana lagu dadaalo sidii looga hirgelin lahaa guud ahaan Soomaliya gaar ahaan Puntland.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .