Waa kuma macalinka qoraaga buuga Xadka riddada maxaa ka runa? W/Q: Sh. Cabdulqaadir Boobe
October 8, 2014 - Written by EditorNairobi:-Waxaan qormadii hore ku soo sheegnay faraj fooda iyo wax barshadiisii inay ahayd tacliin beeraha iyo dhaqaalaha oo aanay diin shaqo ku lahayn takhasus diineedna aan u lahayn diinta islaamka, ujeedada uu diinta ugu dhiiraday wax ka sheegeeda waxay ahayd labo sababood:-
1- Inuu ku gaadho dano siyaasadeed, masar oo waqtigaa cilmaniyada iyo dimuqraadiyada xiiso u qabtay xisbigii al wafdi oo qolyo uga awood roonaadeen xaga diinta aan colaad u qabin.
2- Inuu ku soo caan baxo aflagaadada diinta, uuna raalli-geliyo wadamada reer galbeedka oo wayadii danbe aad ubuun buuninayey qof kasta oo muqadasaadka islamka wax udhima mar haduu asal ahaan kasoo jeedo wadamada islaamka ama uu islaam ahaan jiray.
3 Inuu taageero ka helo aqliyada yar ee aan islaamka ahayn ee masar ku nool sida qibdiyiinta iwm. Wuxuu bilaabay mashruuciisii diin la dagaalanka ahaa, wuxuuna dagaalkiisii ka bilaabay inaanay shareecada islaamku nolosha xiriir la lahayn ayna ku kooban tahay qofka iyo rabigii, in shareeco wax lagu xukumaana ay tahay dibu dhac aan u qalmin kuna haboonayn shacabka masar intuu nool yahayna uu ka hortegayo. Shareecada inay umadaha islaamku ku dhaqmaan waxaa ka wanaagsan dimuqraadiya shuuciyada ama nidaam iyo hab kale oo basharku samaytay.
Sidoo kale wuxuu sheegay, ma jirto diin wax kala qaybisa dhamaan dadka reer masar waxaa ka dhexeya wadanka laakiin diintu waxay ku kooban tahay qofka iyo rabigii. Wuxuu baneeyey mutcada ( guur waqtiyaysan ) waa mid kamid dhaqamada shiicada shareecadeenuna ay xaaramaysay. Wuxuu inkiray xadka ridada, qofku xor inuu u yahay inuu caqiidadiisa bedelo ( waana hawsha ugu weyn ee qoraga buuganina xanbarsan yahay )
Wuxuu inkiray xijaabka gabadhaha muslimiintu xirtaan, ka dib waxaa bayaan ka soo saaray culimadii jaamacada Az-har iyo culimadii sucuudiga, waxayna ku xukumeen inuu diinta ka baxay loona baahan yahay inuu toobad keeno,
wuxuu sii waday dagaalkii iyo doodii oo uu laba jibaaray.
Waxaa dood cilmiyeed lagalay, Sh. Maxamed Qazali, Dr. Maxamed Masracah, doodaasina waxay sababtay in la dilo tariikhdu markay ahay 1992.
Ka dib waxaa masar ka dhacday dood ay kiciyeen cilmaaniyiintu oo ah, inaan murtadku mudanayn ciqaab aduunyo ( waa meesha qoraagu ka biyo cabay ) Waxaa shubuhaadkii cilmaaniyiinta iyo inta afkaartooda ay saamaynta ku samaysey ka jawabay, Dr. Cabdil-cadiim Al-madcani kitaab uu ugu magac daray (Cuquubada riddada diinta oo u dhexaysa adilada sharciga ah iyo shubuhaadka kuwa diidan)
Hadaba qoraagu wuxuu noo soo af-Soomaaliyeeyey dooddii cilmaaniyiinta iyo shubuhaadkoodii oo uu u geliyey shaati diineed. Waxaa kaloo is weydiin leh dhacdo dacday 1992 dooddeeda in la soo cusboonaysiiyo waa muddo hadda laga joogo 22 sano ka hor.
Is-weydii mashruuca ku jira iyo danta laga leeyahay?
W/Q: Sh. Cabdulqaadir Boobe