Xajkii oo guul ugu soo dhamaday Muslimiinta (Masawiro)

October 8, 2014 - Written by Editor

3Mecca:-Dowlada Sucuudiga ayaa sheegtay in si guul ah ugu soo dhamaaday Xujeydii timid Makkah sanadkaan, iyadoo in ka badan labo milyan oo qof ka soo daafaha caalamka sanadkaan.
Dowlada Sucuudiga ayaa xil weyn iska saartay sidii loo yareyn lahaa khasaarooyinka ka dhasha ciriiriga xad dhaafka ah ee ka jira Dawaafka Kacbada iyo Dhagax tuurka, waxaana dowaldu diyaarisay ciidamo aad u faro badan oo habeen iyo maalin u taagnaa in ay hagaan Xujeyda,
Sanadkaan waxaa qayb weyn ka qaatay yaraynta ciriiriga iyo safarada loo kala aadayey Carafa, Mina iyo Xaramka, Train dadka u kala daad guraynayey goobahaas.

Soomaalida waxaa sanadkaan ka soo xajiyey in ka badan 7,000 oo Xujey ah oo ka kala yimid dhamaan 18 gobol ee Soomaaliya, waxaan ay sheegeen howl wadeenada xujeydu in ilaa sadex Xujey oo Soomaali ah ay siyaabo kala gadisan ugu dhinteen Makkah ilaa iyo intii Xajku biloowday,waxaa sidoo kale jira dad ay dhaawacyo iyo jabniin ka soo gaareen is buurashadii iyo cariirigii ka jiray Dhagax tuurka,Dawaafka Kabcada iyo jidka dheer ee u dhaxeeya Carafo iyo Mina.

Xajku waa cibaado u baahan in qofku uu leeyahay awood uu ku socdo masaafo dheer, ugana hortago ciriiriga goobaha qaar, waxaana waayeel badan kala kulmaan dhibaatooyin xiliga Xajka. Waxaa sidoo kale sanadkaan cabsi laga qabay in cuduro ka dilaacaan Mina iyo Musdalifa oo la dagaanaado mudo shan maalmood ah, balse nasiib wanaag wax Hargab ka weyn oo dadka ku dhacay ma jirin intii ay ku guda jireen saxadii xumayd ee ka jirtay Teenooyinka Mina iyo Musdalifa oo in ka badan 150 Xujey ah wada daganaadaan hal teendho.

no images were found

Shalay ayaa si raaxo leh muslimiintu ku soo dhamaysteen xajkooda, waxaana durbaba laga dareemayaa magaalada Makkah safaro loo kala galayo dalalkii ay dadku ka soo xajiyeen iyo Madiina oo dadka qaar ay ku tagayaan booqasho.

Xaaji Diraac Salaad Fagaase
Makkah Sacuudi Carabia
Diraacsal3@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online