Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sh Axmed oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garoowe
October 10, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Gaas , Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Camey ,xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland , Saraakiisha ugu saraysa Ciidanka Puntland , Xildhibaano iyo dadweyne aad u fara badan ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyadoo amaanka garoonka iyo goobaha ku dhow ay si weyn u adkeeyeen ciidanka nabadsugida iyo kuwa Madaxtooyadda Puntland .
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa salaan ay ka qaateen Cidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo si wanaagsan u qalabaysan.
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh.Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa inta ay ku suganyihiin Garoowe xubnaha laba gole ee Puntland , qaybo ka mid ah bulshada rayidka ka dibna waxaa uu maalin ka dib uga gudbi doonaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh.Axmed Maxamed iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay madaxda dowladda Puntand kala hadli doonaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland khilaafkaas oo ka dhashay maamul u samaynta gobollada dhexe.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaah.
M_M_Deeq
Halgan.net