Wakiilka gaar ah QM ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya oo gaaray Garoowe
October 13, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wakiilka gaar ah Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhowayd soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.
Danjire Nicholas Kay ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta dowlada puntland xubno ka tirsan labada gole ee Puntland oo uu horkacayo Wasiirka amniga dowlada Puntland Xasan Cismaan Maxamuud Aloore.
Wakiilka gaar ah Qaramada Midoobay iyo wakiilo ka socda IGAD ,iyo beesha caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona heshiis hordhac ah oo ay gaareen DFS iyo Puntland kaas maanta laga soo saari doono warmurtiyeed .
Magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweynaha Puntland ,Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh iyo wakiilka urur goboleedka Igad ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo wufuud kale.
M_M Deeq
Halgan.net