Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo furay kalfadhigii 34 ee Barlamanka (Masawirro)
October 25, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku Xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta furay Kalfadhiga 34-aad ee Baarlamaanka Puntland.
Ku Simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Camey ayaa khudbad dheer waxaa uu ka jeediyey furitaanka Kalfadhiga 34-aad ee baarlamaanka Puntland.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa khudbada uu maanta ka jeediyey baarlamaanka Puntland waxaa uu uga hadlay arimaha Amniga,dhaqaalaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab iyo heshiiskii ay la gaareen dowladda Federaalka Somalia.
Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sidoo kale khudbad kooban ka jediyey baaralamaanka wuxuuna sheegay in kalfashiga 34 ee baarlamaana Puntland uu yahay mid sharci ah arimo badana ay baarlamaanka horyaalaan.
no images were found
Waxaa sidoo kale maanta ku sugnaa baarlamaanka Puntland Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntland Faysal Khaliif Bare iyo wariyayaal kale oo tiro badan iyada oo lagu wado in baarlamaanka uu ka doodo meelmarinta xeerka warbaahinta Puntland.
M_M Deeq
Halgan.net