Ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Imaamu Shaafici oo shalay u fadhiistay Imtixaankii Teeramka Dhexe [Masawiro]
December 31, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa shalay ka bilowday Imtixaanadii Teeramka Dhexe ee Sanandka Dugsiyeedka 2014/2015 Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici Magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool. Imtixaanka waxaa uu ardayda u bilaamay maanta oo ah (Arbaca ) isaga oo Maalmaha Soo Socda uu Socon Doono Lana Soo afmeeri doono Dabayaaaqada Todobaadka Soo Socda. hadii Alle idmo .
Ardayda oo Imtixaanka u kala galaya Qaybo kala duwan oo kala geli doona 3-da galin ee maalintii , Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici oo Laascaanood laga aas aasey Sanadkii 1996 waana Dugsigii Hoose ee dhexe oo ka mid yahay Dugsiyada waawayn ee Ugu Tirada badan uguna Tayada Wanaagsan ee Dugsiyada Hoose dhexe ee magaalada Laascaanood Wuxuu Dugsigani soo saaraay 19 kii Sano ee u danbeeyey Boqollaal arday ah oo qaarkood Dhameeyeen Jaamcadaha , Dugsiyada Sarena wax ka bartaan.
Tirada Guud ee Ardayda wax ka barta dugisgan ayaa ah 1000 Arday iyadoo ka qalin jabiyeen 15 Dufco Ardaydii dhameysey kana qalin jebisayna ay kor u dhaafeen 1200 oo Arday , oo isugu jira wiilal iyo Hablo .
Maamulaha guud ee Dugsiga imaamu Shaafici Sh C/Laahi Maxamuud Maahir oo ah shakhsi aad u fir fircoon ayaaa ah Maamule ku Guulaystay inuu Dugsigu ku tallaabsado Horumar Dhinacyo badan Taabanaya .
no images were found
Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Lascaanood,Somalia