Puntlland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn
January 17, 2012 - Written byGaroowe:-War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee dowllada Puntland ayaa markii ugu horaysay waxaa looga hadlay ama eedeyn loogu jeediyey maamulka S/lland oo lagu eedeeyey in dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoolde bishaan 15 -keedii ay iyagu lahaayeen weerarka.
Warsaxaafadeédka oo ku qornaa Af-ingiriiska oo soo gaaray Halgan.net ayaa waxaa ay dowllada Puntlland ku xuseen in dagaalkii ka dhacay degmada Buuhoodle ay ku dhaawacmeen dad rayid ah ayna ku burbureen hanti ay lahaayeeen dad shacab ah.
Dowllada Puntlland ayaa sheegtay in ay iyagu taageersan yihiin midnimada dalka Soomaaliya ayna ka soo horjeedaan in dalka Soomaaliya uu kala go,o waxaan kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in wixii khilaaf ah oo yimaado lagu dhameeyo wada hadal arrintaas oo ay yiraahdeen in dowllada S/lland ay ka soo horjeedo.
War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa ugu danbeyntii waxaa tacsi loogu diray dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay hantidoodana ay ku burburtay dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, ma ah markii ugu horaysay oo dowllada Puntlland iyo madaxdeedu ay wax saxaafadeed ka soo saaraan dagaal ka dhacay Buuhoodle ama laascaanood ayna eeda dusha u saaraan dowllada S/lland.
Halkaan ka Akhri Warsaxaafadeedka ay Puntland soo saartay
M_M_Deeq
Halgan.net