Xafladii Tartanka qur,aanka kariimka ah oo la soo gaba gabeeye Degmada Carmo.[Masawiro]
July 5, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa lasoo gaba gabeeyey tartanki Qur.aanka kariimka ee ka socday masjidka ALTAQWA ee Degmda Carmo kaasi oo ay ku tartameen ilaa iyo 11 arday oo kakala socday 5 Dugsi Quraan oo ku yaala degmada Carmo.
Munaasibad balaaran oo ABAALMARINO lagu gudoon siinayey ardaydi kaalimaha kala duwan gashay ayaa lagu qabtay gudaha mesjidka ALTAQWA ee Degmada Carmo munaasabada oo ay soo qaban qaabiyen Gudiga Dacwada ee degmada carmo iyo Mu.asasadda Al-minhaaj ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka Degmada carmo culimaa udiin waalidiin iyo masuuliyiin ka socotay Mu,asasada Al-minhaaj ugu horeeyn waxaa xafladan Daah furay Sh. c/raxmaan Bukhaari oo ka mid ah culimada ugu caansan puntland iyo guud ahaan somalai waxana uu sheakhu u duceeyey ilmaha yaryar ee ku tarta mayey Qur.aanka sidoo kalena waalidka ayuu ku booriyey in ay iyana ku tartamaan Qur,aanka iyo barshadiisa.
Sh.c/raxman ow ciise oo ah gudoomiye kuxigeenka Mu,asasada Al-minhaaj ee gobolka bari ayaa isaguna faalo ka bixiyey hadafka laga leeyahay tarankan iyo faa,idada ku jirta, islamarkaasna ballan qaaday in ay hadda kadib Gabdhuhu tartanka ka qayb gelidoonaan, sidoo kale wuxuu sheegay in ardaygii soo baxa tartanka guud uu yahay mid Puntland u soo baxay ee aanu usoo bixin Degma iyo xaafad gaara.
Nabadoon yuusuf axmed ciise oo ka mid ahaa waxgaradki goobta ka hadlay ayaa hanbalyo u jeediyey ardayda tartankan ka qayb gashay iyo mu,asasada Al-minhaaj oo uu sheegay inay u taagan tahay Dacwada iyo horu marinta Bulshada.
Bile ismaacil ciise nuux oo ka socday maamulka Degmada ayaa uga mahad celiyay gudiga dacwada ee degmada Carmo iyo mu,asasada minhaaj shaqada wanaag san ee ay qabteen ugu danbayntii waxaa halkaasi abaal marino qaaliya lagu Gudoon siiyey ardaydi ka qayb gashay tartanka iyo gudigi Garsoorka ka ahaa tartan kaasi waxana xusid mudan in sadexda arday ee ugu sareeyey tartankan ay
ka socdeen Dugsiga Ibnu Baz ee degmada carmo ,Tartankan ayaa ahaa mid lagu kala saarayey Ardaydi Degmada Carmo iyo Degaanada hoos yimaada uga qayb geli lahayd tartanka Quraanka kariimka gobolada iyo Degmooyinka puntland oo sanad kasta lagu qabto Magaalada Garoowe.
Si kastaba ha ahaatee Xafladda ayaa ahayd mid aad u xammaasad iyo xiiso badan oo ay aad ugu qushuuceen dadweynihii ka soo qayb galay waxayna ku soo dhammaatay jawi aad u qurux badan.
no images were found
Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net