Tartankii Quraanka ee ka socday Masjidka Al-Huda Garowe oo la soo gabagabeeyey.[Masawiro]
July 6, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maantay si rasmi ah loogu soo afmeeray tartanka Qur’aanka kariimka oo ka socday Masjidka Al-Huda magaalada Garoowe Tartankaan ayaa ahaa mid saddexdii bari ee la soo dhaafay ka socday masjidka Al-huda .
Waxaana ka soo qayb galay Duqa caasimada dowladda Puntland ee Garowe Mudane Axmed Siciid Geele Shoodhe, Agaasimaha guud ee wasaarada Cadaalada Mudane Maxamed Cali Faarax iyo Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Odayaal Issimo iyo dadweyne soo buux dhaafshay masjidka
Waxaa ugu horaynba xaflada kahadlay Sh. Xabiib C/qaadir oo gudoomiye u ahaa Culimadii Tartanka qaadaysay waxaana uu uu ku dheeraaday baahida loo qabo guud ahaan bulshadu u soo laabto barshada Qur’aanka kariimkaa waxaa kaloo uu u dar daramay in waalidka iyo macalimiintu ay xiriir joogta ah ka yeeshaan siddii ilmaha diinta barashadeeda loo jeclaysiin lahaa.
Intaas ka dib waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay Sheekh.Mukhtaar Axmed Faarax waxaana uu madah celin u soojeedshay Macalimiintii ardaydaan soo xulay waxaana uu sikhaasa ugu mahadceliyay macalimiintii ardayda badan soo diyaaariyay waxaana uu sheegay in ay tahay mid kutusinaysa dadaalka ay macalimiintaasi Bixiyeen Iyo Sida ay u jecel yihiin ardayda ay hayaan in aymeel wanaagsan gaaraan.
Duqa caasimada Puntland ee Garowe Mudane Axmed Siciid Geele Shoodhe ayaa isnadhankiisa amaanay Tartankaan waxaana uu u duceeyay cidii soo qaban qaabisay oo ay ugu horayso Mu’asasada Al-Minhaaj waxaana uu balan qaady in xafiiskiisu lashaqaynayo cid walba oo wada fidinta khayrka .
Ugu danbayntii waxaa xaflada soo xiray Agasimaha guud ee wasaarada Cadaalada Mudane Maxamed Cali Faarax waxaana Uu Amaanay Shaqada weyn ee bulshada ay uhayso Mu’asasada Al-Minhaaj oo ay ka mid tahay Xafladaan Qiimaha badan waxaana uu ku baaqay in la xoojiyo Barashada Kitaabka Allah isagoo xusay Agaasimuhu In qur’aanka barashadiisu larabo in ay dhaqan ahaan inuu ka muuqato waxaana uu soo xiray Xafladii iyadoo halkaas lagu qaybiyay Abaal gudkii loo diyaariyay ardayda gashay kaalimaha hore.
no images were found
Nuur Jaamac Aadan
Halgan.net, Garowe