Tartanka Qur’aanka ee Heer Puntland oo si rasmi ah uga biloway Garoowe.[Masawiro]

July 8, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-08-07-05h06m45s704Garoowe:-Waxaa manatay si rasmi ah uga bilowday magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland Tartanka Qur’aanka ee Heer  Puntland iyadoo uu ka mid ahaa dadka maalgaliyaasha  Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof Cabdi Wali Tartankaan oo ah kii shanaad ee noociisa oo kale ah ayaa maantay waxaa uu ka bilow day Masjidka weyn ee Al-Huda ee Garoowe.

Waxaana Tartankaan ka soo qayb galay 72 Tartamayaal oo ka kala socday dhamaan Gobolladda Puntland waxayna ku Tartamayeen Heerarka Qur’aanka Oo kala ah 30Jus- 20Jus -10Jus waxaana dhamaan Ardaydaan oo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo sidda  Arday walba u soo diyaar garoobay  ay ku sugnaayeen Masjidka Al-Huda .

Tartankaan waxaa ka soo qayb galay Xubno ka socda Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Cadaaladda ,Xoghayaha Dowladda Hoose ee caasimada Culimo Awdiin ,Ganacsato Iyo Boqolaal Dadweyne ah oo soo camiray Masjidka .

Ugu horayntii waxaa goobta ka hadlay Gudomiyaha Tartanka Sh.Axmed Yuusuf Daad oo ka warbixiyay Tartanka iyo heerarkii uu soomaray iyo waliba cida dhaqaale ku taageeratay iyo halka ay ka kala socdaan Tartamayaashu  waxaana uu xusay Sheekhu Maalgaliyasha Sanadkaan oo kala ahaa

1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof Abdi Wali Maxamed Cali Gaas.

2. Shirkada Isgaarsiinta Ee Golis Telcom Somali

3. Bank Salaam

4. Shirkada Barwaaqo

5. Shirkada Dawada Ee AlTowbah

6. Al-Mcaruuf Super Markt

7.Shirkada Somtel

Intaas ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax  Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal oo isna dhankiisa ka hadlay sida ay ka Mu’asasa ahaan ugu faraxsan yihiin iyo waliba In sanad walba lagu qabto Garowe waxaana uu mahadcelin u soo jeedshay cid walba oo ka qayb qaadatay .

Ugu danbayntii waxaa Xaflada si rasmi ah u furay Wasiirka Cadaaladda Iyo Arimaha Diinta  Mudane Saalax Xabiib waxaana uu u hambalyo u diray ardayda ssaga oo xusay in dhaman Ardaydaani ay yihiin kuwa guulaystay dhanka kale waxaa uu bulshada ugu baaqay in ay weyneeyaan Kalaamka ALLAH Waxaana uu ku dhawaaqay  in Tartanku furan yahay .

Waxaana loo gudbay Tartanka Qaybtiisa labaad oo ahayd Tartanka oo bilowday Qaybtiisa 30-ka jus waxaana bari loo balan san yahay In la soo Afmeero Tartanka Isagoo Xafladda weyna lagu wado In la qabto maalinta Jumcaha waxaana Tartankaan si toos ah looga dhagaysanayay  dhamaan Xarumaha Al-Xikma ay ku leedahay Deegaanada Puntland .

no images were found

Nuur Jaamac Aadan

 Xafiiska Warbaahinta
Mu’Asasada Al-Minhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online