Ciidamo Itoobiyaan ah oo duulaan ku ah degmada Baardheer

July 9, 2015 - Written by Editor

ciidamada_AMISOMBaardheer:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaan ee dagaalka ay ka gudbeen labadii maalmood ee la soo dhaafay Degmada Luuq waxaana weheliya ciidamo ka tirsan DFS .

Dad goob-joogeyaal ah oo ku sugan Degmada Luuq iyo Doolow ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo itoobiyaan ah oo wata calaamada AMISOM ay duulaan ku yihiin Degmada Baardheere oo haatan xarun u ah ururka Al-shabaab .

Wararka sidoo kale ka imaanaya gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay u gudbeen dhanka gobalka Gedo.

Ciidanka Itoobiya ayaa horay loogu biiriyey ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM kuwaas oo deegaano badan oo fariisamo u ahaa Al-shabaab qabsaday.

Mas’uuliin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa dhowr mar ku dhawaaqay in duulaan ay ku qaadi doonaan Degmada Baardheere iyo goobaha ay cidanka Al-shabaab kaga sugan tahay gobalka Gedo waxaan ugu danbeeyey hanjabaad uu diray Madaxweynaha ku xigeen Jubaland Gen. Fartaag.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro dhabo gal ka ku qadaay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale ee Afrikaanka ah ee ku sugan gobalka Gedo Iyo Baay waxaana ay gaarsiyeen khasaaro kala duwan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online