U Diyaargarowga Ciida oo si weyn uga socda magaalada Laascaanood.[Masawiro/Video]
July 10, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Magaalad Laascanood ee xarunta gobolka Sool waxa ka socda diyaar garow ballaadhan oo loogu diyaar garoobayo ciida barakaysan ee Ciidu fidriga , hadii aad soo marto suuqyada waawayn iyo kuwa yar yar ee magaalada waxaay is haadu qabanaysaa dadweyne fara badan oo isugu jira Hooyooyin caruurtooda gacmaha ka haya kuwaas oo caruurtooda u iibinaya dharka Ciida, halka caruur ay Aabahood la socdaan ay camireen carwooyinka dharka lagu iibiyo, iyagoo doonaya in caruurtooda ay si wanaagsan u ciideystaan sanadkan, waxaana qeyb ka ahaa alaabaha ay caruurta ku ciidaan oo hor-dhoobnaa wadooyinka, iyo afaafka hore ee carwooyinka sida Super market yada , iyo xarumaha loo yaqaano MALL Market l.
Qiimaha sarifka doolarka ayaa heer dhexaad ah, waxaana sheyga ay dadka ku iibsanayaan doolar ahaan, iyadoo doolarka uu yahay furaha ganacsiga Soomaaliya, marka laga soo tago shiling Soomaaliga oo qiimihiisa aad u hooseeyo, isla markaana uu yahay mid Kunka Shilng u yar una weyn.
Suuqyada magaalada oo aan booqday ayaan ku soo arkay dad raxan raxan u socda oo ka dukaamey sanaya goobaha ganacsi, waxaana ka sokow dhar iibsashada jira agabyo kale oo dadka iibsanayaan sida daahyada guryaha lagu dhajiyo iyo alaabo kale oo muhiim u ah u diyaar garowga Ciida.
Qaar ka mid ah dadka dukaameysanayay oo aan la kulanay ayaa inoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in Ciidan ay ka duwanaato ciidaha kale, isla markaana suuqyada magaalada oo idil ay yihiin kuwo furan, waxaana sanadkii hore xilligan ay ahaayeen kuwo xirnaa wadooyinka suuqyada.
no images were found
Ka sokow diyaar garowga dadka laascaanood ugu jiraan dabaal dega ciida ayaa hadana waxaa jira dad ka yimid qurbaha oo ciida sanadkan ugu dhalanaya dalkooda hooyo, waxaana dad aan ku arkay suuqyada ay ahaayeen kuwo iyana qeyb ka ahaa diyaar garowga ciida.kuwaasoo isugu jira ajaanib ka kala timid wadamada Carabaha oo ay ugu horayso Yemen iwm .
Ciidii sanadkii hore ayaa ku soo aaday, iyadoo xilli xagaaga ah , dadkuna magaalda ka xagaa bexeen , inkastoo xoogaa roob ahi uu da’ay , isla markaana magaalada laascaanood ay u soo barakaceen qoys badan oo ka yimid wadanka Yemen .
Si kastaba ha ahaatee Ciida sanadkan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo magaalada Laascaaanood oo idil ay isu furan tahay, Sanadkani wuxuu ka ga duwan yahay Ramadaaanta iyo fasaxa xagaaga oo iku jira.
Hoos ka Daawo Muuqaalka 1aad
Hoos ka Daawo Muuqaalka 2aad
Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascanood, Somalia