Sh.Dr C/Caziiz Cali Axmed oo si weyn loogu soo dhaweeyey Laascaanood.[Video/Masawiro]

July 12, 2015 - Written by Editor

1Laascaanod;-Waxaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyya Sh. Dr C/Caziiz Cali Axmed oo ka mid ah Dhakaatirada waawayn ee PhD-ga ka soo qaatay Jaamacada ugu wayn Caalamu Al-Islaami ee Madina Islamic University . Sh. Dr C/Caziiz Cali ayaa Maamulka Jaamacada Nugaal , Macallimiinta , iyo qaar ka mid ah ardayda Jaamacada ay maanta meel magaalada ka baxsan ku soo dhaweeyeen iyadoo Sheekhu ka soo kici tamay wadanka Kenya iyo Jaamacada Gaarisa University oo uu ka mid ahaa dadkii dhidibada u aasay Jaamacada ,Diktoorka oo hawl geli doono Jaamacada Nugaal University , ka bixin doona waxbarashada heerka sare ee Jaamacada Nugaal Univeristy ee loo yaqaano Master degree Certificate.

Dhinaca kale , Gudoomayaha Jaamacada Nugaal University Prof. Abdirisak Lafoole ayaa ka waramay ida uu ugu faraxsan yihin ka jaamacad ahaan , isagoo si wayn uga mahad naqay Prof ku fursada qaaliga ah ee uu siiyay .

Jaaamcada Nugaal ayaa noqtay Jaamacad ku guulaysata inay hesho fursad ay bulshada ugu gudbso aqoonta heerka sare iyadoo u ugu gudbinaysa barayaal dhigi doona Shahadooyinka Master degree iyo PhD oo dhawaan ay balan qaaday , Waxaana hada Jaamacada wax ka dhiga macalmiin aqoonta ka gaadhay meesha ugu sarraysa, iyadoo hada Jaaamacada ay wax ka dhigaan Dakaatiro uu ka mid yahay Sh Dr Axmed Jaamac Ismaacil Warsame .

Ugu danbantii Sh Dr Cabdicasiis Cali Axmed ayaa dhinciisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, ugana mahad naqay maamulka Jaamaca iyo culimada sida wayn u soo dhaweeyay.

no images were found

Hoos ka Daawo soo dhaweynta Sh Dr Cabdicasiis Cali Axmed markii uu soo gaaray Laascaanood

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online