Kulanweynihii “Galdogob kow” ee Walaalaynta ummadda Soomaaliyeed oo la soo gabagabeeyay.[Masawiro]
July 12, 2015 - Written by EditorGaldogob:-Waxaa Subaxnimadii Sabtida ahayd si diiran magaalda Galdogob loogu soo dhaweeyay Wafdi uu horkacayay Gudoomiyaha Dalladda Ardayda ka baxay Macaahidda sharciga ah ee Soomaaliya, wafdigaas oo ka kala yimid ilaa Lix magaalo oo kala ahaa Boosaaso, Garowe burtinle, Gaalkacyo, Koonfurta Gaalkacyo ee Gal-mudug, Laascaanood, Buuhoodle, dhalinyaradaas oo ku midaysnaa Dalladda ardayda ka baxday macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya, ayaa ujeeddaday u tageen magaalada Galdogob ahayd in ay kulan ay kaga wada tashanayaan walaalaynta ummadda Soomaaliyeed ku qaataan, sidoo kale Xubanaha Buuhoodle waxay u yimaadeen galdogob booqashadii Sannadla ahayd ee Degmooyinka la walaaleeyay ay isku booqan jireen oo waxaa la walaaleeyay Sannad ka hor Magaalada Galdogob iyo Buuhoodle, sidaa darteed Xubnihii buuhoodle ka socday waxaa kulan waynaha u dheeraa Booqashada Walaaltinimo ee ay u joogeen Galdogob.
Kulan waynuhu wuxuu Socday Saddex bari, Waxaana Subaxnimadii Talaadada ahayd la qabtay Shir Saxaafadeed ay kasoo qayb galeen Bulsho waynta magaalada Galdogob qaybaheeda kala duwan, Waxaana ugu horrayn madasha kulanka kalmado ka jeediyay Guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj faraceeda Galdogob Sh.Axmed Dheeli,
Sidoo kale Waxaa madasha ka hadlay guddoomiyaha Dalladda Ardayda ka baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya asagoo ka warbixiyay ujaddaday u yimaadeen Galdogob, waxaa ku xigay Guddoomiyaha Multaqaha Ardayda ka baxay Macadka Furqaan ee magaalada Laascaanood, inta kadib waxaa hadalo bogaadin mudan ka jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Galdogob Dr.Muuse Maxamuud Takar, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Sh.Maxamuud Yuusuf, Guddoomiyaha Machadka Imaamul Bukhaari , Guddoomiyaha Majliska Culumada Sh.Mahad, intaa waxaa xigay C/Risaaq oo ah kasoo qayb galayaashii kulanka oo ka yimid Magaalada Gaalkacyo, asagoo halkaas ka akhriyay Bayaankii kasoo Baxay kulan waynaha , iyo xubno kaloo fara badan.
Ugu Danbayntii Waxaa Kulanka soo Af-Meeray Guddoomiyaha Dagmada Galdogob Xassan Farax Maxamed (Ayaxle), asagoo u mahad celiyay Dhalinyaradii kulan waynuhu oga socday magaalada Galdogob, Eebbana uga baryay inuu nabad ku geeyo meelahay ka yimaadeen, intaa kadib wuxuu Guddoomiyuhu ku dheeraaday Mataanaynta labada Magaalo Galdogob iyo Buuhoodle, wuxuuna Sheegay in 1976 uu iskaashi ka dhexeeyay labada Magaalo, walgoodna ay dadka kale iska xigeen, ugu danbayntii wuxuu guddoomiyuhu dhalinyaradii kulanka ku tilmaamay in ay sidii SYL u halgamaan, maadaama ay ayagu cilmigii Diinta yaqaannaan, kana shaqeeyaan sidii loo midayn lahaa ummadda Soomaaliyeed.
Kulan waynahaas waxaa barbar socday Shaqooyin kaloo fara badan, waxaana masaajidda magaalada laga galay 18 muxaadaro oo badidood walaaltinimada Islaamka ka hadlayso, sidoo kale waxaa la booqday ilaa 5 goobood oo waxbarasho iyo dalxiis isugu jira, waxaana la galay ilaa 6 kulan oo barbar socday Kulan waynihii Walaalaynta ummadda ee “GALDOGOB KOW”.
no images were found
Halgan.net