Warmurtiyeed: Kulankii dhexmaray DFS , Dawladda Puntland Iyo Jubbaland.[akhriso]
July 19, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa booqasho qaadatay 11 ilaa 19 julay 2015 ku yimid magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland wufuud ay kala hogaaminayeen Ra’isul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, kullan wadatashi oo ay wada qaateen iyaga iyo dawladda Puntland ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda.
- Dastuurka Federaalka Soomaaliya
Waxay isku raaceen Raysulwasaaraaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha Puntland iyo Jubbaland in la ilaaliyo Dastuurka Dawladda Federaalka iyo hanaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana wax-kasta oo la qabanayo ama lasamaynayo loo maro sida uu qabo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
- Midnimada Umadda Soomaaliyeed
Waxay sidookale Madaxdu isku raaceen ilaalinta midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in la adkeeyo amniga guud ee dalka meelna looga soo wada-jeesto cidkasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
- Xiriirka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka
Waxay labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya argtidooda ku aadan dhamaystirka dhismaha dawladd Federaal ah ee Soomaaliyeed oo waafaqsan Dastuurkii lagu hashiiyey , waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wada-tashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.
- Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed
Waxay ku baaqeen Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland in la fidiyo gogol dib-u-hashiisiineed oo loo samaynayo bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad iyo xal waara.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.