Madaxweynaha: “Taageerada Boqortooyada UK waxay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya’’

July 20, 2015 - Written by Editor

maxMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, Danjiraha cusub ee Boqor tooyada UK (United Kingdom) wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Ms Harriet Mathews.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ka mahadceliyay taageerada mar walba ay Britain la garab taagan tahay Soomaaliya, oo uu sheegay inay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya.

“Aad baan uga mahadcelineynaa Boqortooyada UK iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron oo dadaal dheer u galey inuu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo xaaladda Soomaaliya. Dhab ahaantii waqtigaasi kadib Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku tallaabsatey’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha cusub ee Britain uga waramey xaaladda guud ee dalka, dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha, isagoo intaa ku darey in Soomaaliya ay weli u baahan tahay kaalmada beesha caalamka si loo dhameystiro hawsha ballaaran ee dib u dhiska Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee Britain ee Soomaaliya Ms Harriet Mathews, oo iyana kulanka ka hadashey ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ku ammaantey horumarka muuqda ee laga sameeyay barnaamijka dhaqangelinta nidaamka federaalka, iyo dardargelinta hawlaha la xiriira Hiigsiga 2016.

Waxay Ms Mathews intaa ku dartey in Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay in la sii wado taageerada loo fidinayo Soomaaliya, isla markaana ay Britain waddanka kala shaqeyn doonto dhinacyada gargaarka aadminimo, amniga, siyaasadda, horumarinta iyo dhaqaalaha.

Ms Mathews ayaa sidoo kale sheegtay in bilaha soo socda ay magaalada New York ku kulmi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron, kulankaas oo ay kaga wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga labada dal.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online