Madaxweyne Gaas oo la kulmay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya.[Masawiro]
July 22, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa uu caawa kulan la qaatay wasiirka arrimaha Dibada ee dalka Kenya Marwo Aamino Maxamed Jibriil.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa caawa kulanka ku weheliyey wasiirka ganacsiga Iyo warshadaha dowladda Puntland Cabdiwali Cabdulle Xirsi Indho Guran Iyo Qunsulka Puntland ee dalka Kenya Maxamed Axmed (Fagalade).
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka arrimaha Dibada ee dalka Kenya Marwo Aamino Maxamed Jibriil ayaa ay ka wada hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya dowladda Puntland iyo dowladda Kenya gaar ahaan dhinac amniga iyo ganacsiga.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Gaas aya waxaa uu ku amaanay dowladda Kenya sidda wanaagsan oo ay u soo dhaweysay qaxootga Soomaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab. Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku taageeray dowladda Kenya qaybta ay ka tahay ciidanka AMISOM ee ka howl gala gudaha Soomaaliya.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan .net