Xildhibaan ka tirsan DFS oo lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir
July 25, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir xildhibaan ka tirsan DFS Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa C/llaahi Xuseen Maxamuud.Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanka loogu xiray baabuurkiisa miino waxaana sidoo kale qaraxu uu dhaawac iyo dhimasho u geystay ilaalada xildhibaanka.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa hada soo xumaanaya waxaana maanta kaliya lagu dilay magaalada Muqdisho labo Xubnood oo ka kala tirsan xafiiska Raisulwasaaraha iyo xubin ka tiran golaha baarlamaanka .
Ciidanka DFS ayaa soo gaaray goobta lagu dilay xildhibaan C/llaahi Xuseen Maxamuud waxaana ay baaritoono ka sameeyeen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir .
A/Cawale
Halgan.net