Qiirada Qofka Muslimka ee Xumaha uu ka Qiiroodo Sh.Maxamuud Xaliike.[Video]
July 27, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Sheekh. Maxamuud Maxamed Xaliike oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa muxaadaro qiime badan ka galay masjid Al-Hudaa ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sheekh. Maxamuud Maxamed Xaliike wuxuu kaga hadlay muxaadardan in uu ka qiiroodo ,kana xumaado qofka muslimka ah xumaanta , iyo wixii Alle uu u diiday maqalkeeda, muuqaal keeda, Diinta oo loo qiiroodo waa in qofka muslimka ahi uu ka biyo diido wax Alaale wixii uu Alle Sw uu ka reebay qofka muslimka ah.
Shiikha ayaa ku dheeraaday waxyaabaha laga doonayo inuu la yimaado si uu uga biyo diido in uu diido wixii aanu Alle raali ka ahayn , isaga oo Tusalayaal u soo qaatay suubanihii nabigeena N.N.K.H. Xilligani ayaa noqday xilli la banaystay waxyaabihii Alle iyo Rasuulkiisu xarimeen , isla markaan dadku badankood ay ilaaween wixii Alle uu u diray iyo wixii uu diiday.
Hoos ka Daawo Qiirada Qofka Muslimka ee Xumaha uu ka Qiiroodo Sh Maxamud Xallike
Mawliid Haradigeed
laascaanood, Somalia