Xafladii Sanadguurada17aad markii la aasaasay Puntland oo ka socoto caawa xarunta Madaxtooyada Puntland.
August 1, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa ka socda xarunta Madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe xaflad lagu xusayo sanadguuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay maamulka Puntland ,xafladaan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha ugu sareeya Dowlada Puntland gaar ahaan madaxweynaha ,madax weyne ku xigeen ka, Xildhibaanada golaha baarlmaanka Puntland, wasiirada ,Issimo ,culima awdiin iyo waxgarad kale.
Xaflada ka socota xarunta madaxtooyada dowladda Puntland ayaa ku soo beegmaysa xili saaka magaalooyinka waaweyn ee Puntland laga dhigay munaasabado lagu weynayno sanad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay dowladda Puntland.
Martida ka soo qayb galay xaflada ayaa waxaa ay caawa sugayaan Khudbadaha ay madaxda Dowladda Puntland ay jeedin doonaa ka dib yadoo weli aan wax xal ah loo helin khilaaf soo kala dhexgalay Dowladda Fedreaalka Soomaaliya iyo Puntland ka dib markii maamul loo samaynayo gobollada dhexe qaab dhismeedkiisa iyo inta degaan oo uu ka koobnaanayo la isku qabtay maadaama Gobolka Mudug qaybo ka mid ah uu ka tirsan yahay maamulka Puntland.
Xaflada munaasabada lagu weynaynayo sanadguuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay dowladda Puntland ayaa waxaa ka soo qayb galay ama ku sugan marti sharaf fara badan oo qayb ka yihiin aqoon yahano ka yimid Qurbaha.
Warbixinta oo dhamaystiran dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu
M_M_Deeq
Halgan.net