Taariikhda waxbarashada diinta islaamka ee dhulka ay Soomaalidu degto [Daawo]
August 4, 2015 - Written by EditorNairobi:-Barnaamijka culimada lagu warreysay oo ah barnaamij gaar ah oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Ixsaan qeybteeda warbaahinta,Sh.Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamed Cismaan Calasow ayaa ka warramay taariikha waxbarashada diinta Islaamka ee dhulka ay Soomaalidu degto iyagoo culimadu uga jawaabeen su’aalo dhowr ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin:-
1-Waqtiga laga soo bilaabi karo taariikhda waxbarashada.
2-Culuumtii la akhrin jiray.
3-Culimadii hore ee cilmiga caanka ku ahaa.
4-Duruuftii ay ku noolaayeen culimada iyo ardadoodii.
5-Kala duwanaanshaha waxbarashadii hore iyo middan casriga ah.
Su’aalahan iyo kuwa kaleba jawaabahooda waxaad kaga bogan kartaa adigoo daawada barnaamijkan gaarka ah ee diiradda lagu saarayo taariikhda waxbarashada dhulka Soomaalidu ka deggen tahay geeska afrika.
Hoos ka daawo barnaamijka oo dhammeystiran.
Source:Somalireal