DFS oo si adag u cambaareysay Falkii argagixiso ee ka dhacay masjid ku yaal magaalada Abha
August 7, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa falalka argagaxiso ee ka dhanka ah Dowladda iyo Shacabka walaalaha ah ee Boqortooyada Saudi Arabia ee shalay dhacay .Argagaxisadu waxa ay muujiyeen inay ka soo horjeedaan waxa ay diinta islaamka ay fareyso , iyagoo qarax ku weeraray dad rayid ah iyo ciidamo ku sugnaa Magaalada Abha ee xarunta gobolka Asir .
Xukuumadda iyo Shacabka Boqortooyada Saudi Arabia , waa walaalaha iyo saaxiibada dhabta ah ee Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya , run ahaantii waxaan dareemeynaa xanuunka iyo khasaaraha gaaray , waxa aanu si xoog badan u taageereynaa dadaalada adag ee Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia ay kaga hortageyso argagaxisada kuwa gudaha iyo dibadda intaba .
Argagaxisadu waa muuqaal soo ban-baxay oo caalami ah , ujeedkiisuna yahay burburinta dhabaheena nabadda ee nolosha , wuxuu abuuraa fatqalalo halis ku ah fahamka saxda ah ee diinteena quruxda ah ee Islaamka oo tilmaameysa nabadda , xushmadda iyo midnimada dadka dhexdooda , iyadoo aan la eegeyn kala aragti duwanaanshaha.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlan tahay si aan hakad laheyn inay u jiirto baraha ugu dambeeya ee argagaxisada ku leedahay gudaha dalka , waxaanu xoojineynaa iskaashigeena ammaan aanu la leenahay Boqortooyada Saudi Arabia si loo baabi’iyo shar-sidaha ka jira dhulalkeena .
Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u rajeynayaan Xukuumadda iyo Shacabka walaalaha ah ee Boqortooyada Saudi Arabia guul joogta ah iyo barwaaqo .
Allah Subhanahu Wa Ta’ala Ha inaga dhowro dhammaanteena Shar-sidayaasha argagagaxisada .
Dhammaad .
Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations