Madaxweyne Gaas Puntland uma baahna ciidamo ka socda Midowga Afrika [AMISOM]
August 7, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo waraysi gaar ah siiyey wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in dowladda Puntland ay leedahay ciidan ku filan amnigeeda ayna u baahan yihiin in laga saacido dhinac Agabka isagoo ku tilmaamay xaq daro in Dowladda Federalka Soomaaliya kaliga lagu gacansiiyo dagaalka Al-shabaab.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku eedeeyey Midowga Afrika iyo beesha caalamkuba aysan wax gacan ah ka geysan dagaalka ciidanka Puntad ay in mudo ah kula jireen ururka Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Golis.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Gaas oo wax laga wiidiiyey in ay ciidanka AMISOM in la keeno Puntland iyo in kale ayaa waxaa uu ku jawaabay ” Ma u baahnin ciidamada AMISOM sababta oo ciidamada dowladda Puntland wax ay leeyihiin awood ay ku dagaalamaan ururka Al-Shabaab, balse waxaan u baahanahay in dowladda Puntland laga caawiyo dhinac qalabka military, isgaarsiinta, gaadiidka millatariga ah, hub iyo rasaas.” Halkaan ka eeg waraysiga Reuters
M_M_Deeq
Halgan.net