Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf oo xilka wareejiyey.[Masawiro]
August 10, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa maanta waxaa uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka Booliska ee dowladda Puntland Col. C/risaaq Maxamed Yusuf Af-gaduud. Xaflada xil wareejinta ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta Taliska ciidanka Booliiska ee Garoowe waxaan ka soo qayb galay munaasabada xil wareejinta wasiirka aminga ee dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, iyo Saraakiil ka tirsan Ciidan Booliska.
Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay saxaafadda markii uu xilka wareejinayey ayaa waxaa uu ka waramay in xilka Taliyaha ciidanka Booliska uu hayey mudo dhan 4 sano ah wax badan uu ka qaybta ciidanka Booliska haddii ay ahaan lahayd qalabaynta Ciidanka , dhismaha Saldhigyo Booliska iyo tababaro loo sameeyey ciidanka Booliska.
Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ka codsaday saraakiisha ciidanka Booliska in ay la shaqeeyaan Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska dowladda Puntland Col. C/risaaq Maxamed Yusuf Af-gaduud oo isagu xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland.
Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska dowladda Puntland Col. C/risaaq Maxamed Yusuf Af-gaduud ayaa u mahad celiyey taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf isagoo uga mahadceliyey waxqabadka muuqda ee
uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska inta uu xilka hayey.
Taliyaha Cusub ee ciidanka Booliiska Puntland Col.Cabdirisaaq Maxamed Yusuf Af-gaduud ayaa codsaday in lala shaqeeyo gaar ahaan wasaaradda amniga iyo Saraakiisha ciidanka si uu u guto howsha loo igmaday.
Dhinac kale Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ka hadlay xaflad xilwareejinta ayaa waxaa uu u mahad celiyey Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf isagoo ku amaanay wax qabad waxaan uu ka codsaday taliyaha cusub waxqabad dhab ah iyo in uu tayeeyo ciidanka Booliska.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net