Urur Goboleedka IGAD oo soo dhaweeyey Doorashadii Madaxweynaha Jubaland (Daawo)
August 16, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo ka qeyb galay doorashadii ka dhacday shalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa soo dhaweeyey qaabkii ay u dhacday doorashadii Jubaland.
Danjire Maxamed Cabdi Afey Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada Jubaland ay u dhacday si dimoquraadi ah, wuxuuna u hambalyeeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ).
Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay Sidoo kale in IGAD iyo Beesha Caalamka ay aqbali doonin in xoog lagu maquuniyo, wuxuuna ka digay digay in la carqaladeeyo nabada Jubaland.
Doorashadii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Urur Goboleedka IGAD ,Midowga Yurub,Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DFS.
Madaxada DFS ayaan ilaa hada ka hadlin doorashadii shalay lagu soo doortay mar kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ).
Hoos ka Daawo Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey
A/Cawale
Halgan.net