Dowladda Sweden oo $4 Million Doolar ugu deeqday Dib-U-Dhiska Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka .

August 17, 2015 - Written by Editor

glaxy 6 014 (1)Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-faham (Memorandum of Understanding –MOU) la gashay Dowladda Sweden. Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa wada galay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo dhinaca kale Dowladda Sweden iyo Hay’adda UN-ka ee UNPOS oo iyadu fulin doonto Mashruuca dhismaha.

Dowladda Sweden oo ka mid ah wadamada aad u caawiya Soomaaliya ayaa Mashruuca dhismaha labada Wasaaradood ugu deeqday lacag dhan $4 Million oo Doolar.

Heshiiskan ayaa dhigaya dib-u-dhiska xarumihii Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka oo sanadooyin badan burbursanaa. Labada wasaaradood ayaa in muddo ah dhib ka heystay xafiisyo la’aanta iyagoo shaqaalahooda aysan heysanin goobo shaqo oo ay ku fuliyaan hawlihii loo idmaday.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa laga hirgelin doonaa degmada Shangani (xaruntii hore ee Aspima), halka kan Wasaaradda Maaliyadda uu ka soo horjeedo Hotel Curuba.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa sheegay in maaligelinta dhismooyinka ay wax-wayn ka taridoonto habsami u socodka shaqada Wasaaradaha, wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay Dowladda Sweden dadaalka ay ku bixinayso xaqiijiinta dib-u-dhiska xaruumaha dowliga ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa iyana dhankeedka u mahad celisay Dowladda Sweden waxay tilmaantay in mashruucan uu yahay mid la taaban karo oo wax weyn ka bedeli doono waxqabadka wasaaradaha.

Gebagebadii Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Sweden ee Soomaaliya Urban Sjostrom ayaa sheegay in dowladiisu ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, mashruucan uu yahay mid sii xoojinaya xiriirka labada dal.

Dib u dhiska labada wasaaradood ayaa la qorsheeyey dhismahooda in la soo geba gebeeyo horaanta sanadka cusub 2016, haduu Ilaahay idmo.

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online