Madaxweynaha dowladda Puntland oo furay shirweynaha wadatashiga Puntland
August 25, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxmed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u furaya shirweynaha wadatashiga Puntland, kaasoo lagu wado in uu ka socdo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug dhowr maalmood.
Shirweynaha wadatashiga Puntland ayaa waxaa lagu casuumay ergooyin badan oo ka kala yimid deegaanada Puntland iyo waxgaradkii wax ka soo dhisay dowladda Puntland sanadkii 1998.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxmed Cali Gaas ayaa shirweynaha wadatashiga Puntland waxaa uu ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay muhiimada shirkaan iyo ujeedada laga leeyahay . Shirweynaha wadatashiga Puntland ayaa yeelan doona wajiyo kala duwan waxaana lagu qaban doonaa qeybihiisa kale deegaano ka mid ah dowlada Puntland.
Faahfaahinta Shirka dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah
M_M Deeq
Halgan.net