Shirweynaha wadatashiga Puntland ee ka socday magaalada Gaalkacyo oo galay maalintii Labaad
August 26, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Shirweynaha wadatashiga Puntland ee ka socoda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa galay maalintii labaad iyadoo ay ka soo qeyb galayaan ergooyin ka kala yimid gobalada Puntland.
Shirweynaha wadatashiga Puntland ayaa shalay waxaa si rasmi ah uga furay magaalada Gaalkcayo ee xarunta gobalka Mudug Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .
Shirweynaha wadatashiga Puntland oo galay maalintii labaad ayaa waxaa ku soo biiray ergo iyo wasiiro hor leh oo ka socoda golaha xukuumada Puntland waxaa sidoo kale yimid xubno ka tirsan baarlamaanka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waxgaradka ku sugan Shirweynaha wadatashiga Puntlandayaa ujeedada shirka waxay ku sheegeen inay tahay wadajirka bulshada Puntland ,Xalinta Khilaafaadka ,iyo hergelinta nidaamka xisbiyada badan.
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in Shirweynaha wadatashiga Puntland uu sii socon doono ilaa 29 bishan .
M_M Deeq
Halgan.net