Dr Maxamuud Xayd oo lagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood.[Masawiro/Video]
August 28, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool waxaa shalay lagu soo dhaweeyay Dr Maxamuud Maxamed Xayd dhakhtar ku Takhasusay Qaliinka guud isla markaana laga yaqaano gayiga Somalia. Dr Maxamuud Maxamed Xayd oo ay soo dhaweeyeen Ururka Xirfadlayaasha Caafimaadka iyo ururka Kuliyada Cafimaadka ee Jaamacada Nugaal ayaa waxaa ay ugu qabteen xarunta Jaamcada Nugaal kulan lagu soo dhawaynayo Dr Maxamuud Maxamed Xayd.
Dr Maxamuud Xayd waxaa lagu xasuustaa Xiligii Dawladii Somalia uu bad baadiyay qof dhalinyaro ah , taas oo uu jiidhay gaadhi ka dibna uu soo dhacay wadanaha , Dr ka oo ku guulaystay in dhibanahaa uu ku celiyo Wadnihiisa halkii uu ka soo go’ay ayaa maamuus baaladhan ka helay dawladii xilligaa iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo warbaahinta calamka Xiligaas ay maalind dhan ku daabaceen boga koowaad ee Wargaysyada waawayn ee qora dhacdooyinka caalamka .
Dr Maxamuud oo u dhashay deegaanadana ayaa sheega in magaalada Laascaanood ay ugu danbaysay xilliyadii Todobaatameeyadii qarnigii tegey ayaa waxaa uu ka sheekeeyay siddii ay aaan jirtay Laascaanood xiligii ugu danbaysay .
no images were found
Hoos ka Daawo sida magaalada Laascaanood Loogu soo dhaweeyay Dr Maxamuud Xayd
Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Somalia