Madaxda Jaamacada Bariga Afrika oo booqday deegaano ka tirsan Galmudug (Masawiro)
August 30, 2015 - Written by EditorGaalkacyo: wafdi balaaran oo ka socda J/ bariga afrika oo xarunteeda tahay magaalada boosaaso- ee xarunta gobalka bari ayaa soo gaaray koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana hogaaminayey madaxa aasaasayaasha jaamacada Sh Yuusuf C/casiis iyo madaxa milkiilayaasha: Sh/ c/waaxid xaashi xasan, waxeyna soo indha indheeyeen xarumaha horumarinta bulshade qeyba ka mid ah oo ey maamusho Jamciyatu imamu nawawi qeybteeda/mudug, waxeyna kala ahaayeen xarumaha ey booqdeen:
1- Xarunta cusub ee xanaanda agoonta g/mudug oo ku taal: tuulada xaar xaar oo u jirta magaalada gaalkacyo qiyaastii 8 KM dhinaca koofureed ee wadada hobyo aada.
2- Waxey kale oo wafdigu booqdeen isbitaalka weyn ee magaalada gaalkacyo,
3- Waxey kale oo booqdeen Mac hadka Imaam al muzani ee barashada shareecda iyo luqada carabiga oo dufcadii u horeysay ka qalin jabisay sanadkii hore.
Waxeyna aad iyo aad u bogaadiyeen shaqada fiican ee xarumahaasi bulashada u hayaan, waxeyna ku dadaarmeen in dadaalka la sii wado.
Xibnaha kale ee wafdiga waxey kala ahaayeen:
1- Dr/ maxamed cabdi aadan madixii hore j/bariga afrika, xibin mu’asis ah.
2- Dr/ maxamed macalin axmed ku xixigeenkii hore ee jaamacdda , ustaadna ka ah jaamacada.
3- Dr/ Aadn maxamed cigaal madaxa J/ bariga afriga faraca gaalkacyo.
4- Ustaad/ Axmed faarax garaase madaxa xaafiiska imtixaanaadka.
5- Dr/ maxamed c/laahi xoosh gaashaan xibin mu’sasiinta ka mid ah.
Wafdiga waxaa soo dhaweeyay madaxda kala duwan ee Jimciyadda/ imam anawawi iyo madaxada mu’asasada safaa iyo ducaada wxaana ka mid ahaa:
no images were found
1- Dr/ Maxamed cabi axmed maamulaha isbitaaka gaalkacyo.
2- Sh/ axmed maxamuud cilmi madaxa mu’asasada safaa G/mudug.
3- Sh/ maxamuud sh/Axmed xasan ( abusheyba) madaxa mac hadka imam al muzani.
4- Sh/ cali Axmed faarax madaxa xarunta xanaanada agoonta.
5- Sh/ c/laahi Axmed faarax madaxa sh/ dahab shiil.
6- Sh/ cawil cabdi cali madaxa B/ salaam gaalkacyo.
7- Sh/ maxamuud macallin yuusuf sahal madax xarunta agoonta bandiiradley.
8- Sh/siciid maxamuud cilmi madax gudiga dacwada.Iyo akhyaar kale oo ka mid ah ducaada dagaanka.
Halgan.net
Gaalkacyo