Madaxweyne Gaas oo deegaanka Bursaalax ka kormeeray xarumo waxbarasho dibna ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo.[Masawiro]
September 3, 2015 - Written by EditorGaalkacyo-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-9-2015 kormeeray Dugsiga sare ee Burar, Dugsiga hoose dhexe ee Cirro, Ceelka biyaha iyo xarun caafimaad oo ku taala deegaan ka Bursaalax ee Gobalka Mudug.
Madaxweynaha iyo wegdiga uu hogaaminayo ayaa ugu horeyn kormeeray Dugsiga sare ee Burar ee deegaankaasi , waxaana siweyn ugu soo dhaweeyey maamulka, macalimiinta iyo ardayda waxkabarata dugsigaasi.
Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayuu madaxweynuhu u jeediyey ardeydaasi, waxaana uu kula dardaaramay inay laba jibaaraan dadaalka waxbarasho ee ay wadaan , si mustaqbalkoodu umira dhalo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray Dugsiga hoose dhexe ee Cirro, Ceelka biyaha iyo xarun caafimaad oo ku taala deegaanka Bursaalax ee Gobalka Mudug, waxaana uu halkaasi kala kulmay soo dhaweyn qiimo leh.
Ardayda waxkabarata Dugsiga hoose dhexe ee Cirro ee deeganka bursaalax ayuu madaxweynuhu ku booriyey in dadkooda iyo dalkooda ay wax ubartaan, maadama ay yihiin mustaqbalka berri ee la rabi in dalka ay horumar gaarsiiyaan uguna adeegaan waxa ay barteen.
Xarun caafimaad oo loogu adeego bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan deegaanka Bursaalax ayuu sidoo kale madaxweynuhu kormeeray , isagoona indha indheeyey qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaasi.
Intaas kadib ayaa madaxweyne Gaas ka soo ambabaxay deegaanka Bursaalax oo uu xalay u hoyday , intii uu jidka ku soo jiray ayuuna ku hakaday deegaanka Beyra , waxaana halkaasi si balaaran ugu soo dhaweeyey waxgarad, cuqaal, dhalinyaro, haween , arday iyo masuuliyiin kale oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta madaxweynaha.
Bulshada deegaankaasi Beyra ayuu la qaatay madaxweynuhu kullan gooni ah, waxaana ay ku amaaneen dadaalka iyo horumarka baaxadda leh ee uu kawado Gobalka Mudug ee Puntland.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo gebagebeeyey safarkii shaqo ee uu ku marayey Degmada Galdogob iyo deegaanada hoostaga ,waxaana uu dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.