Tababare C/Naasir Ibrahim oo Garowe ka bilaabay Ololihiisa (Dhoofka Dhalinyarada Iyo Khatarta Tahriibka).[Video/Masawiro]
September 9, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maalimihii lasoo dhaafay laga dareemayay hadal haynta Ololaha ka dhan ka ah Tahriibta kaas oo ka socday goobaha waxbarashada ee gudaha Caasimada Puntland . Aqoon yahan C/naasir Ibraahiim oo dalka ka maqnaa mudo 25 sano ah ayaa si rasmi ah uga bilaabay Machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi Barnaamijkiisa uu ugu magacdaray (Dhoofka Dhalin yarada Iyo Khatrta Tahriibka ) Waxaana barnaamijkaan ku garabtaagnayd Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal.
Tababare Cabdi Nasir ayaa ardaydii uu kulakulmay mac-hadka Xaaji Cabdi u soo Bandhigay Muuqaalo ka tarjumaya dhibka ay la kulmaan dhalinta tahriibta u’aada dalka dibadisa sida Jirdil/Kufsi / Koronto Xiniinyaha Iyo Naasaha looga dhajiyo / Badda oo si bareer ah loogu daadiyo/iyo mida ugu weyn oo ah in xubin xubin loo iibsado meelaha ugu muhiimsan Jir kooda .
Dhanka kale waxaa uu ardayda u soo bandhigay halku dhegyo Ardayda ku dhiiri galiyay Wadaniyadda Iyo In ay dhulkooda Jeclaadaan taas oo sababtay in ay arday badan go’aan sadaan sidii ay dalkooda kheyraadka ka buuxa ula soo bixi lahaayeen.
Ardayda ayaa su’aalo ku weydiiyay gabagabdii waxaana tababare C/naasir Ibraahiim uu uga jawaabay su’aal waliba tusaalooyin ay ardaydu ku wada qanceen.
Barnaamijka (Dhoofka Dhalinyarada Iyo Khatrta Tahriibka ) ayaa Imaanaya xili Baahiweyn loo qabay maadaama ay Xiliyadii danbe aad u badatay Dhalinta Tahriib doonka ah iyo Khasaaraha Dhimasho ee ku soo dhacaysa Dhagaha Soomaalida.
Isku soo wada duuboo tababare Cabdinaasir ayaa la rajaynayaa un uu gaarsiin doono barnaamijkiisa dhamaan gobolladda dalka isagoo garabsanaya Mu’asasada Al-minhaaj Oo waxbadan la fududaysay Intuu howshaan ku gudajiray.
no images were found
Hoos ka Daawo Muuqaal kooban oo ku saabsan Ololaha C/naasir Ibrahim ee uu kaga digayo Halaaga Tahribka
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta
Mu’asasada Alminhaaj Puntland