Dugsiga Sare ee Cumar Samatar oo Xaflad u qabtay Ardayda Kaalimaha hore galay.[Masawiro]
September 12, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Xafladaani oo u jeedkeedu ahaa Abaalmarinta Ardayda Kaalmaha hore ka galay Imtixaankii Sanad Dugsiyeedkii 2015-2016 ayaa waxaa kasoo qayb galay Xubno ka socda Dawlada Puntland , Maamulka Waxbarashada ee Gobolka Mudug, Aqoonyahan Ganacsato ,Masuuliyiinta Jaamacadaha , Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo iyo Dhamaan Qaybaha Bulshada.
Maamulaha Dusgiga sare ee Cumar Samatar Siciid Maxamed Xasan ayaa sheegey in ardayda abaal marinta la siiyay ay kaalimaha hore ka galeen sanad dugsiyeedkii tagay Xawaalada & Bangiga Amalna ay ku abaal mariyeen in lacagaha ka bixiso Sanadkan.
C/shakuur Xirsi Maxamuud Maareeyaha Xawaalada Amal ayaa Sharaxaad ka bixiyay Ujeedada Xawaalada Amal ay lacagta oga bixineyso sanadkan ardaydii kaalmaha hore gashay sanadkii hore waxaana uu sheegay inay tahay si ay u dhiiri galiyaan Arday qaybna uga qaystaan caawinta Bulshada.
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf ayaa amaanay doorka Amal Express waxaana uu sheegey inay ku dayasho mudanyihiin rajana ka muujiyay in lacag la’aan laga dhigo Dugsiyada Hoose dhexe ee Puntland.
Wasiirka Deegaanka Dalxiiska & duurjoogta Puntland Cali Cabdulaahi Warsame ayaa Ardayda ku booriyay inay waxbarashada ku dadaalaan si ay dalka dadka iyo Diintaba u anfacaan.
no images were found
Cabdiraxmaan Cabdinuur C/laahi
Gaalkacyo,Somalia