Jaamacadda Bari Afrika oo Garowe ku soo dhaweysay Macalimiin wax ka dhigi doona Master Degree.[Masawiro/Cod]
September 17, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Jaamacadda bariga Afrika oo ah Jaamacadda ugu balaadhan Soomaaliya Isla markaana ah Jaamacadii ugu horaysay ee laga furo Puntland ayaa Sanadadii danbe waxay waday dadaalo badan oo ay ku soo kordhinaysay Kuliyado cusub oo intooda badan ku cusub yihiin dalka.
Jaamacada Bariga Afrika ayaa maantay waxay ku soo dhaweysay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe Dr. Yaxyah Cali Jamacaan iyo Dr.Maxamed Axmed Xasan oo ka yimid dalka Yeman waxaana Garoonka Diyaaradaha si wanaag san ugu soo dhaweeyay Madaxda Sare oo ay ka mid ahaayeen:-
1. G/Kuxigeenka Jaamacada Xafiskeeda Garoowe C/raxman M diriye
2. Madaxa Taclinta Sare Dr.Bashir Maxamed Warsame
Sh.Maxamed Godane Xosh Xubin Aasaasayaasha soo dhaweyn Iyo qado ka dib waxaa loo gudbiyay Jaamacada Halkaas Oo ay kula kulmeen Ardayda Iyo Macalimiinta Jamacadda.
Dhanka kale waxaa Kulan Jaamacada ka dhacay lagu soo dhaweeyay Prof. Fadumo Osman xiririyaha Programka iyo Stefan oo ka socda Jaamacadda Dalarna ee dalka Swedan Jaamacadaas oo ah mid ay dhawaan xiriir wada Saxiixdeen Jamacada Bariga Afrika waxayna Jaamacadda Todobaadkan ka bilaabayaan Kuliyada Masteka gaar ahaan Kuliyada Caafimaad ka Taranka Master Of Sexual And Reproductive Waxaana lagu Furyaa 25 Arday Oo laga soo Xulay Jaamacadaha ku yaal Dalka .
Waxaana kulankaan Goob joog ka ahaa:-
1. C/raxman Macalin Diriye G/k/xigeenka Jaamacada Xafiska Nugaal
2. Sh,Maxamed Godane Xosh Xubin Aasaasayaasha
3. Madaxa Taclinta Sare Dr.Bashir Maxamed Warsame
4. C/qadir C/khaddar Maxmaed Warsame (Madaxa Xiriirka Calamigaa)
5. Maxamed Khalid Xiriiri yaha Dalarna iyo EAU
no images were found
Waxana la rajaynayaa in maalmaha soo socda ay Imaan doonaan Macalimiin kale haddii Alle idmo.
Hoos ka Dhagayso warbixita kulanka iyo macalimiinta yimid
[audio: http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2015/09/Codka-Kulanka-Jaamacada-1.mp3 ]Nuur Jaamac
Garowe Somalia