Maamulka Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood oo soo dhaweyn u sameeyey Arday Cusub
September 28, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Munaasabad lagu qabtay xarunta koowaad ee Jaamacada Nugaal ee magaalada Laascaanood ayaa waxa ka qayb galay maamulka sare, Macalimiinta iyo qaar ka mida waalidiinta ardaydaasi cusub. Munaasibadaasi oo ujeedadeedu ahayd in ardayda cusub lagu war galiyo nidaamka iyo shuruucda jaamacadda Nugaal University ay leedahay, ayaa waxa ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Jaamacaddaasi. Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay inuu hambalyeynayo ardayda cusub siday iskaga xilsaareen inay Jaamacada bilaabaan.
Qaar ka mid ah ardayda cusub oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ku soo biiridda Jaamacadda Nugaal University. Guddoomiyaha Jamaacadda Nugaal University Proff Abdirisak Lafoole oo la hadlayay ardayda cusub ayaa ku bogaadiyay inay ku dadaalaan tacliinta sare oo ay ka faa’iideystaan xilliga ay socdaan xiisadaha.
Ardayda cusub ee soo dhaweynta loo sameeyay ayaa aha aarday aad u fara badan , kuwaas oo doortay kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacadda dhigato, waxaana ardayda laga qaaday imtixaan. Jaamacada Nugaal ayaa hada leh 10 Kulliyadood oo kala duwan kuwaasoo laga barto culuumta kala duwan ee aadamuhu maanta ka bartaa Jaamacada dunida ee ku kala yaalla 203 wadan dunida ka jira , kuwasoo ay wax ka bartaa dadyowga dunida maanta ku nool .
no images were found
Laascaanood,Somalia