Madaxweynaha DFS oo la Kulmay Gudoomiyaha ururka G7 (Warsaxaafadeed)

December 20, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la Kulmay Gudoomiyaha ururka G7+ ahna Wasiiradda Maliyadda ee dalka Timor Leste Marwa Emelia Pires.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay kulankaan Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xassan Suleebaan iyo la taliyayaasha Madaxtooyada.Wasiiradda ayaa waxey uga warbixisay howlaha muhiim ka ah uu ururka G7+ qabanayo iyo fursadda Soomaaliya ay heysato in ay uga faa idysato madaama ay Soomaaliya ka tirsantahay ururka G7+.

Ururkan ayaa waxaa ku midoobay dalal badan oo ay dhibaatooyin ka soo jireen ama hada ay ka jiraan iyo dowladdaha deeq bixiyaasha ah si loo meel mariyo horumarka iyo dib- u dhiska dalalkaas.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in ay Soomaaliya u baahan tahay in ay la wadaagto wixii qibrad ah dalalka kale ay dhibaatooyinka ka jiraan.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa uu Madaxweynaha sheegay in ay dalalka deeq bixiyaasho ay dowladda toos u taageraan si horumar buuxa ay dowladda u gaarto. Taasna ay hadda dhowr dal ay bilaabeen in ay dowladda taageraan.

Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Villa Somalia, Mogadishu
Mabdalla@presidency.go

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online