Barnaamij cilmiyeed lagu baraneyey qaabka loo daryeelo macaamiisha oo lagu qabtay magaalada Leicester.[Masawiro]

April 15, 2014 - Written by Editor

daryeelk1Leicester:-Waxaa maalinimadii Axadii oo ay taariikhdu aheyd 13/04/2014 lagu qabtay xarunta Socopa ee magaalada Leicester, barnaamij si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu baraneyey sidda quruxda baddan ee loo kasban karo macaamiishaada ama loo daryeeli karo. Barnaamijkaas waxaa soo qabanqaabisay isla markaasna soo tabinaysay hay’adda Jooje services oo fadhigeedu yahay magaalada Leicester.

Barnaamijkaas waxaa ay kasoo qeybgalayaashu ka faa’ideysteen qiimaha ay leeyihiin macaamiisha iyo sidda ay lagama maarmaan u tahay in la siiyo tixgalin gaar ah. Waxaa loo muujiyey in haddii ay meesha ka baxaan macaamiishu ay wax walbaa istaagayaan.Sidoo kale waxaa loo sheegay in haddii ay arkaan shirkad ama ganacsi sameeyay horumar ayan wax kale sameyn ay iska hormariyeen uun nidaamka iyo qaabka ay ula dhaqmaan macaamiishooda.

Waxaa lasoo qaatay in macaamilku uu mar marka qaar la gaarsiiyo heer uu kuu yahay madaxdaada oo kale maadaama ay isagu ku xiran yihiin meheradaada iyo ganacsigaaga.

Runtii barnaamijku wuxuu ahaa mid aad looga helay oo ay waliba codsadeen ka soo qeyb galayaasha in la marar kale oo badan la qabto, iyagoo sheegay in arimahaan ay yihiin arrimo ay wax baddan uga baahan yihiin ganacsiga soomaalida.

Barnaamijkaas waxaa hormuud ka ahaa oo waliba soo gudbinayey aqoonyahan Cabdixakiim Jaamac Jooje oo runtii aan oran karno wuxuu cinwaankan u leeyahay aqoon durugsan, isagoo si aad looga dabadhacay ugu soo gudbiyey dhammaan kasoo qeyb galayaasha.

no images were found

Waxaa xusid mudan oo aan halkan uga mahadcelinaynaa hay’adda Socopa oo runtii barnaamijkan suurto galisay noona sahashay in aynu qabano. Gaar ahaan waxaan u mahad celinaynaa Cabdikeyf Bashiir Faarax oo ah gudoomiyaha SOCOPA. Hay’adda Jooje services waxa kaloo ay fursaddaaan uga faa’ideysaneysaa in cid alla cidda daneynaysaa barnaamijkaas iyo barnaamijyo kaloo fara baddan oo loogu talagalay qaab workshop ah in ay lasoo xiriiri karaan hay’adda : –

Jooje services

Mobile:0044 – 79499005820044 – 7949900582

– E- Mail jjooje63@yahoo.co.uk

Wabilaahi towfiiq

Xiriiriyaha barnaamijyada Jooje services

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online