Madaxweynaha Dawladda Puntland oo caawa u hoydey degmada Galdogob.[Masawiro]

April 13, 2014 - Written by Editor

IMG_9312Galdogob:-Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu safar ay ku weheliyeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada gole ee Dawladda Puntland iyo gudoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Deeganadii ay wafdiga madaxweynuhu maanta booqashada kusoo mareen waxaa ka mid ahaa deegaanka beyra, teerage, xero-jaalle , waxaana dadweynaha deeganadaasi ay si diiran u soo dhoweeyeen Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Gaas iyo masuuliyiinta la socday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas aya la hadlay dhamaan dadweynihii kusoo dhoweeyey deeganadii uu soo maray, isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa isla maantaba gaaray magaalada Galdogob oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Mudug, waxaana dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kale ee la socota.

no images were found

Madaxweynaha ayaa bulshada Galdogob uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada, wuxuu sidoo kale booq day iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee degmada Galdogob,Hospitalka iyo saldhiga ciidanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa caawa u hoyan doona magaalada Galdogob , isagoo kulamo kala duwana la yeelan doona qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaasi.

—DHAMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online