Madaxweynaha Puntland oo gaaray Deegaanka Balli Busle.[Masawiro]

April 19, 2014 - Written by Editor

IMG_0873Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobolka Mudug. Madaxweynaha iyo wafdi giisa ayaa waxaa si weyn usoo dhoweeyey dadweynaha ku dhaqan deegaano ay ka mid yihiin Godad, Gacma-fale, Ceel-berdaale,Tuulo-guuco iyo Balli-busle oo dhamaantoodba hoos taga degmada Jarriiban oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Mudug ee  Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa la hadlay dhamaan dadweynihii soo dhoweeyey , isagoo uga mahad celiyey sida diiran ee ay ugu soo dhoweeyeen deegaanada ay ku sugan yihiin, wuxuuna u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo booqdo deegaanada Gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa deegaanka Gacma-fale waxaa uu ku dhagax dhigay rug cafimaad oo ay hirgaliyeen dadka deegaankaasi ku dhaqan, waxaana masuuliyiinta deegaankaasi ay tilmameen inay sugayaan waxqabad kale oo kaga yimaada dhanka Dawladda.

Dadweynaha ku nool deegaanka Balli-busle ayaa si weyn deegaanka ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee la socda, wuxuuna meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha Balli-busle isagoo uga mahad naqay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqshada uu ku yimi deegaanka Balli-busle uuna ku sugnaan doono mudo kooban, isla markaana uu la kulmi doono qaybaha kla duwan ee bulshada si ay isaga waraystaan xaaldda guud ee deegaanka Balli-busle.

no images were found

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa caawa ku hoyan doona deegaanka balli-busle iyagoo maalinta berri ahna usii gudbi doona deegaano kale oo ka tirsan gobolka mudug.

–DHAMAAD–
Xafiika Warfafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online