Nadwo diini ah oo ka socotay Masjidka Rowda ee Boosaaso oo gashay Habeenkii 3aad.[Masawiro]

April 16, 2014 - Written by Editor

IMG_2463Boosaaso:-Habeenkii Talaadada ayay ahayd markii Markazka Al-Rawda ee Magaalada Bosaaso ay ka bilaabatay Nadwadii 12aad ee lagu qabto Magaalada Bosaaso, iyadoona caawa gashay habeenkeedii 3aad , waxaana darsiga caawa oo ku saabsanaa Akhlaaqda Wanaagsan soo jeediyay Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

Shiikh Fu’aad oo guda galay darsiga ayaa waxa uu sheegay in hal fadhi ama hal Muxaadaro aan lagu soo koobi karin Akhlaaqda wanaagsan oo ah mid aad uguda wayn, waxaana uu sheegay in uu wuxuun ka taaban doono Akhlaaqda Wanaagsan. Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay Akhlaaqda Wanaagsan iyo Qiimaha ay ku fadhido , sigoo sheegay In Anbiyadii Alle uu soo diray dhamaantood ahaayeen kuwo Akhlaaq wanaagsan, Nabi Muxamedna Alle ayaaba Quraanka ku sheegay in uu Akhlaaq Wanaagsan leeyahay sida Suuratul Qalan Alle ku sheegay , Nabi Muxamed waxaa laga wariyay in uu yiri : “Waxaa la ii soo saaray si aan u dhamaystiro Akhlaaqda teeda wanaagsan” Caaisha Umul Mu’miniin waxaa laga wariyay in ay tiri : “Nabiga Dhaqankiisu waxaa uu ahaa Qur’aanka.”

Shiikh Fu’aad waxa uu sidoo kale sheegay in Makaanada ama Booska Diinta Islaamku ay dajisay Akhlaaqda Wanaagsan uu Yahay Maqaam sare oo aad loo ilaaliyay. Intaa Kadib Shiikhu waxa uu Tusaale Usoo Qaatay Qaar kamida Akhlaaqda Wanaagsan ee la doonayo inuu ku Sifoobo Qofka Muslimka Ah :

1-Raxmada (Dhimrinta ama Naxariista) : Shiikha oo Tusaale u soo qaatay ayaa Yiri: Raxmadu waa dhaqan wanaagsan qof walba oo Muslim ahna looga baahanyahay in uu ku sifoobo , isaga oo uga dayanaya Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam , maadama Rasuulku uu ahaa mid Naxariis badan, isaga oo Tusaalayaal badan usoo qaatay Naxariista Nabigu uu unaxariisan jiray (Caruurta , Masaakiinta , Xayawaanaatka , Dadka Da’da ah iyo waliba Gaalada).

2-Sabirka (Adkaysiga) : shiikha ayaa yiri : Adkaysigu waa Dhaqankii Anbiyadii Alle waana waxyaabaha Qofku uu ku gaari karo Hogaaminta, Adkaysiguna waa arin Diinta Islaamku ay boos wayn dhigtay Allana waxaa uu la jiraa Dadka Adkaysta.

3-Xilmiga (Dulqaadka) , Shiikha oo tusaalayaashii Akhlaaqda Wanaagsan sii wad ayaa yiri: Dulqaatku waxaa uu kamidyahay Sifaata Alle subxaanahuu watacaalaa , sidoo kale waa dhaqankii Rasuulka, waxaana uu shiikh Fu’aad soo qaatay Tusaalooyin fara badan oo uu ku muujinayay Muhiimada uu leeyahay dulqaadku.

Shiikh Fu’aad ayaa waxaa uu ku dheeraaday Dulqaadka isaga oo sheegay inay tahay ujeedka uu ugu dheeraaday si bal soomaalidu wuxuun u qaataan. Shiikhu Gabagabada hadalkiisa waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay ku tilmaamnaadaan dhaqankaasi wanaag san ee Dulqaadka, hadii Dulqaad ay muujiyaanna insha alaah ay hawshoodu dagayso.

no images were found

Intaa ka dib waxa loo gudbay Qaybtii labaad ee darsiga caawa oo ahayd ka jawaabid su,aalihii ay dadwaynuhu u soo gudbiyeen Culimada, waxaana caawa su,aalaha ka jawaabay Shiikh Maxamuud Muxamed Xaliike iyo Sh.C/raxmaan Muxamed Dhawro (Sh.C/raxmaan Bukhaari) Isku soo wada duuboo waxaa caawa ay Nadwadu ku soo gabagabowday jawi aad loogu Riyaaqay.

Mu’ssadda Minhaaj
Bosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online