Shirkii Golaha Shuuradda Majliska Al-bayaan oo dhawaan furmi doona Johannesburg

April 15, 2014 - Written by Editor

shuuroJohannesburg: -Waxaa haddii alle idmo la filayaa in dhawaan  magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika shirkii golaha shuuradda ee majliska albayaan, shirkaas oo sanad kasta mar la qabto. Shirka ayaa waxaa uu furmi doonaa 19.04.2014 isagoo socon doono mudo labo maalmood oo kala ah 19ka iyo 20ka  Bisha April oo ku aadan maalmo fasax ah dalka Koonfur afriko, waan maalmaha Sabtiga iyo Axad nagu soo aadan.

Golaha shuurada albayaan ayaa sanad walbo oo uu kulmo ka arinsada arrimaha hor yaalo ee majliska albayaan oo ay ka mid yihiin wixii la soo qabtay sanadkii la soo dhaafay, wixii aan suurtagelin iyo sababta ay u suurta geli waysay iyo qiimayn guud howshii dacwiga ahaa iyo acmaashii kale ee albayaan ay ka shaqaynaysay.

Golaha Shuuradda Majliska Al-bayaan ayaa waxaa horyaala oo kale arrimo ku saabsan qaabkii loo horumarin lahaa majliska albayaan, ayadoo si fiican loo wada dejiyo istiraatijiyada sanadka soo socda lagu shaqayn doono iyo wax qabadka la doonaayo.

Golaha shuurada albayaan waxaa uu ka kooban yahay xubno ay soo dirsadeen gudiyada dacwada ee 9ka gobol ee wadankan Koonfur Afriko iyo aasaasayaasha majliska albayaan, waxaana qolo walbo laga dhagaystaa warbixinada dacwiga ee gobolka ay ka yimaadeen, shirka shuuradda albayaan waxaa lagu qabtaa marba magaalo ka mid ah magaalooyinka dalkan Koonfur afrika, sanadkaan waxaa nasiib u heshay magaalada Johannesburg oo ah caasimada ganacsiga ee dalkan Koonfur afrika,  waxaana la filaayaa in wuufuuda shuuraddu ay soo bilaab maan maalinta khamiista oo ay bisha tahay 17/04/2014ka.Waxaana sidii caadada ahayd shir gudoomin doono insha allah shirka sanadkaan amiirka guud ee majliska albayaan Sh.Xassan Guure,

Dhinac kale dhamaan jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur afrika iyo muslimiinta kale ee dalkanba waxay ka sugayaan shirka sanadkaan ee shuuradda albayaan in si xoog leh loo dardargeliyo acmaasha ay albayaan ummada u hayso, lana soo kordhiyo mashaariic hor leh oo ummada u ah nafci.

Majliska Al-bayaan
Koonfur Afrika, Johannesburg

 

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online