Somaali Ku dhimatay howlgalada ciidamada Kenya ka wadaan Islii

April 20, 2014 - Written by Editor

Soomaalida-Kenya-IsliiNairobi:-Ilaa saddex qof ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay iney u geeriyoodeen xaafadda ka jirta magaalada Nairobi, ee lagu qabqabanayo Soomaalida, waxaana dadkaasi u geeriyoodeen sidan:-

1-Qof dumar ah oo qabtay xanuunka dhiig karka, ayaa ciidanka howlgallada ka wada xaafadda Islii ay gurigeeda ugu soo galeen goor habeennimo ah, waxaana ay ka salashay hurdadii. Marxuumaddaas dhiigga ayaa ku karay, waxaana ay u geeriyootay naxdintii ciidanka gurigeeda ugu soo galay.

2-Gabar kale waxay ku geeriyootay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta, iyadoo ka mid ahayd dadkii loo musaafurinayay Soomaaliya, waxaana gabadhaas la sheegay iney xanuun ka qaadday intii ay xabsiga ku jirtay.

3-Gabar yar oo saqiir ah ayey ahayd, taasoo hooyadeed lala xiray, waxaana ay aad ugu xanuunsatay xabsiga, kaddibna waxaa loo oggolaaday in xarun caafimaad la geeyo, markii dambena gabadhaas yar waxay u dhimatay xanuunkii hayay.

Intaas waa tirada rasmiga ah ee aan ognahay, waxaase la sheegayaa dad kale oo iyaga dhintay, balse ma xaqiijin karno, saddexda qof ee aan ognahayna magacyadooda fasax ugama haysano eheladooda inaan shaacino.

Dhibaatooyinka Soomaalidu kala kulantay howlgallada ciidanka Kenya ka wadaan Nairobi, maahan wax la soo koobi karo,iyadoo howlgalladu soconayaan toddobaadkii 4aad, welina aan la garaneyn goorta sida rasmiga ah ay u joogsanayaan.

Halgan.net/Somalireal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online