Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga “[Masawiro]”

April 13, 2014 - Written by Editor

IMG_5412Rome :-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga ayadoo wafdiga Gudoomiyahana ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha FIUMICINO Airport ee magaalada Rome kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga, Safiirka Soomaaliya ee dalkan iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed.

Booqashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalkan Talyaaniga ayaa qaadan doonta mudo Shan cisho ah waxaana ay ka dambeysay kadib markii uu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Talyaaniga.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha FULIMICINO Airport ee magaalada Rome ayaa xusay in booqashada isaga iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalkan Talyaaniga ay dhidibada u aasi doonto wadashaqeyn iyo iskaashi dhexmara Baarlamaannada Soomaaliya iyo Talyaaniga.

no images were found

Maalinnimada burrito ah Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxa ay kulammo la qaadan doonaan xildhibaanno ka kala socda xisbiyada dalkan,gudoomiyaha aqalka Senetka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Talyaaniga ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha booqon doono magaalooyin taariikhi ah oo ku yaala dalkan Talyaaniga oo ay ka mid tahay magaalada Napoli.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
ee Gudoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online