Wafdi uu horkacayo Taliyaha ciidanka booliska Puntland Jen Jaqanaf oo gaaray Muqdisho

April 20, 2014 - Written by Editor

jaqanafMuqdisho:-Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliska dowladda Puntland Jen Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho waxaana ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in uu ka qeybgali doono shir looga hadlayo amniga qaranka Soomaaliya waxaana Jen Maxamed Siciid Jaqanaf ku sii sogootiyey magaalada Garoowe madax ka tirsan Puntland.

Wafdiga uu horkacayo taliyaha ciidanka booliska dowladda Puntland Jen Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah saraakil ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka Puntland sida kuwa Daraawiishta,Ciidanka Nabadsugida Puntland PIA,

Shirka ka furay maanta magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadli doonaa amaanka guud ee dalka Soomaaliya .

Madaxweynaha DFS ayaa khudbad dheer ka jeediyey shirka waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliya in ay garab istaagaan ciidanka amaanka wuxuuna digniin u diray ciidamada DFS ee qaar ka mid ah ay isbaarada dhiganaya wuxuuna sheegay in ay ula dagaalami doonaan sida ay Al-Shabaab ula dagaalamayaan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online