Dufcadii 1aad oo ka qalin jabisay Machadka Al-Hidaaya Burtinle.[Masawiro]

October 18, 2014 - Written by Editor

SawirBurtinle:-Machadka Al-Hidaaya ee kuyaala Magaalada Burtinle waxaa lagu bartaa Culuumta Shareecada iyo Luqada Carabiga waxaana uu kamid yahay Macaahida Hoostagta Raabidada Macaahida Shareecada ee Soomaaliya , Sanad Dugsiyeedkii la soo dhaafayna ee 2013-2014 waxaa uu soo saaray loodkii ugu horeeyay ee dhameeya Waxbarashada Machadka.

Xaflad si wayn loo soo agaasimay kuna dheehnayd Muuqaal aad u qurxoon ayaa waxaa loo qabtay Ardaydii kabaxday Machadka waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiin kala Duwan Maamulka Degmada Burtinle , Ganacsato , Culimo , Waxgarad , Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda Machadka iyo Bulsha wayn aad u fara badan.

Ardayda Qalin jabinaysay ayaa waxaa tiradooda ay gaaraysay ilaa 28 Arday , waxaana ay noqdeen Ardaydii ugu horeysay ee Qaadata Shahaadada Raabidada ee laga aqoon sanyahay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo u dhiganta Shahaadooyinka Dugsiyada Sare ee Dalka.

Sheekh Cabdifataax Cabdulaahi Daahir (Muqdishaawi)oo ah Maamulaha Machadka Al-hidaaya oo ka hadlay Xaflada ayaa waxaa uu Warbixin faahfaahsan ka bixiyay Machadka iyo waxyaabaha lagu barto isaga oo Bulshada ku booriyay inay Bartaan Culuumta Shareecada.

Dadwaynihii kala gadisnaa ee Xaflada ka hadlay ayaa dhamaantood waxaa ay u hambalyeeyeen ardayda Qalin jabinaysay waxaana ay kula dardaarmeen inay Waxbarashada sii wadaan Bulshadana ay uga faaideeyaan waxyaabihii ay soo barteen.

Ugu Danbayntii waxaa Shahaadooyinkii la gudoonsiiyay Ardayda Dhamaysay Machadka iyaga oo u badnaa Dad Da’ wayn , taasi oo marag ka ah in Waxbarashada loo simanyahay oo Dhalinyarada iyo Dadka yar yari aysan gaar u lahayn.

Si kastaba ha ahaatee Ardaydaani ayaa waxaa la rajaynayaa in ay wax badan ka badalaan Wacyiga Bulshada ee ku aadan dhanka Waxbarashada gaar ahaan Barashada diinta oo ah Asaaska Guusha Aduun iyo Aakhiraba.

no images were found

Gudoomiyaha Ardayda kabaxday Macaahida Shareecada lagu barto ee Puntland
Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi (Sanka) – Gaalkacyo – Puntland – Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online