Golaha Iimaamyada ee W/Mareekanka oo Hay’adda HARO ku wareejiyay Lacag loogu tala galay Abaaraha Gobolka Gedo.

October 15, 2014 - Written by Editor

fMunaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay Masjidka weyn ee Abubakar Assadeq ee magaalada Minneapolis,Munaasabadaas oo ay soo qaban qaabi yeen Golaha Iimaamyada ee W/Maraykanka ayna ka soo qayb galeen Mas’uuliyeenta Maraakista Majliska,culumo iyo Martisharaf kaloo faro badan,ayaa Goluhu wuxuu ku wareeji yay Hay’ada Samafalka Ee HARO,Lacag gaarayso ($50,000) Konton kun oo dollar, Lacagtaas oo loogu talo galay Walaalaha Gobalka Gado oo ay ku habsatay abaar aannan waxbo hanbaynin.

Golaha Iimaamyada W/Maraykanka oo kaashanaayo Jaaliyada soomaaliyed ee ku nool W/Maraykanka ayaa waxay aruuriyeen deeqdan ay ugu talo galeen walaalahooda dhibaataysan,waana gurnadkii labaad iyadoo ay horay u gaarseeyeen Gobalka dhaqaale laga aruuriyay Maraakista Majliska ayadoo loo mariyay haayada haro iyo haayado kale oo samofal ah.

Gudoomiyaha Golaha Shuurada ee Majliska Dr Sh.Abdirahman Sheekh.Omar ayaa wuxuu ku dheeraaday waajib nimada iyo Fadliga dheeraad ka ah ee ay leedahay is caawinta iyo isu danqashada dadka Muslimiinta ah,una Mahad celiyay Jaaliyada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool Sida ay marwalbaa u garab taaganahay walaalahooda ku dhibaataysan Gudaha Wadankii.

Sidoo kale waxaa warbixin kooban ka bixiyay hawlihii Majliska uu ka qabtay Iyo wixii uga suuro galay arintan gurmadka Gedo Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Majliska Sh.Abdullahi Abul-Fadli,kana waramay wixii ay horay ugu dhiibeen hayadaha gurmadka iyo lacagta Caawo lagu wareejinaayo Hayadda HARO oo ah  lacag gaarayso ($50,000) ,Sheikh Abul-Fadli ayaa u mahad celiyay Maraakista Majliska iyo doorka ay Marwalbaa ka qaataan hawlaha wax loogu qabanaayo jaaliyada dal iyo dibadbaa.

Sidoo kale waxaa iyana goobta hadalo kooban ka jeediyay Iimaamka Masajidka Abubakar Sheekh.Abdirisaq Hashi Imamka Masajidka Al-ixsaan Sh Maxamed Mursal,Gudoomiyaha boardka Masajidka Abubakar Sh Abdirashiid Bare Muse iyo culumo,odayaal faro badan.

Ugu danbayntii ayaa waxaa Mahadnaq iyo boogaadin u soo gudbiyay Majliska iyo Haayada HARO Ugaas Ismaaciil oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee Gobalka Gado ka soo jeedo,isagoo tibaaxay hawsha qiimaha leh ee ay culimadu u istaagatay.

Gabo gabadii ayaa wuxuu Dr Sheekh Abdirahman Sh Omar ku wareejiyay Gudoomiyaha Hay’adda HARO lacagtii ilahayna wuxuu u waydiiyay umada soomaaliyeed inuu ka saaro dhibaatooyinka ku habsaday oo Abaaruhu ugu horeeyaan.

no images were found

Xafiiska Dacwada iyo Iclaamka ee Golaha Iimaamyada W/Maraykanka.
Minneapolis,MN.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online